Halkan Ka Akhriso Xogta Jilayaasha Vin Diesel iyo The Rock Oo Filimadoodu Lacag badan Ay Sameeyeen 2017-ka

0
Sunday December 31, 2017 - 15:06:54 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Akhriso Xogta Jilayaasha Vin Diesel iyo The Rock Oo Filimadoodu Lacag badan Ay Sameeyeen 2017-ka

    Washington-(Caalami-News)- Dadka aflaamta daawada ayaa lacag badan ku bixiyey tikidho si ay u daawadaan Vin Diesel, Dwayne Johnson iyo Gal Gadot, si ka duwan jilayaasha kale, sannadka 2017, sida laga soo xigtay xog laga helay aflaamta shineemooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington-(Caalami-News)- Dadka aflaamta daawada ayaa lacag badan ku bixiyey tikidho si ay u daawadaan Vin Diesel, Dwayne Johnson iyo Gal Gadot, si ka duwan jilayaasha kale, sannadka 2017, sida laga soo xigtay xog laga helay aflaamta shineemooyinka lagu soo bandhigo.





Majalladda Forbes ayaa iyadu waxay liiska halka ugu sarraysa ka galisay Diesel iyo The Rock, kuwaasoo guul ka gaadhay filimka The Fate of the Furious.

Vin Diesel iyo Gal Gadot


 

Gadot ayaa kaalinta 3aad ku gashay kaalintii ay ku lahayd filimka Wonder Woman and Justice League.

 

Kaalinta 4aad waxaa gashay Emma Watson oo qalanjo ka ahayd filimka Beauty and the Beast, halka Johnny Depp uu kaalinta 5aad galay.


Shanta jilaa ee lacagta ugu badan ay filimadoodu sameeyeen 2017.

Jilaa Lacag Filim
Vin Diesel $ 1.6 Bilyan The Fate of the Furious & xXx: Return of Xander Cage
Dwayne Johnson $ 1.5 Bilyan The Fate of the Furious, Baywatch & Jumanji: Welcome to the Jungle
Gal Gadot $ 1.4 Bilyan Wonder Woman & Justice League
Emma Watson $ 1.3 Bilyan Beauty and the Beast
Johnny Depp $ 1.1 Bilyan Pirates of the Caribbean: Dead Men Tell No Tales & Murder on the Orient Express

Mark WahlbergLahaanshaha sawirkaAFP :Jilaaga Mark Wahlberg


Qiimayntan ayaa timid laba todobaad ka dib markii isla majalladdan ay shaacisay magacyada 5ta jilayaal ee lacagta ugu badan 2017, waxayna kala yihiin; Mark wahlberg, Christian Bale, Channing Tatum, Denzel Washington, iyo Brad Pitt.

Lacagta soo gashay ayaa lagu saleeyey faa'iidada ka soo baxday aflaamta ay jileen ee shineemooyinka laga dhigay.



 

Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip