Waa Dalkee Dalka Ugu Horreeya Uu Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Uu u Safraya Iyo Wujeedada Socdaalkiisa?

0
Saturday January 06, 2018 - 10:09:23 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Dalkee Dalka Ugu Horreeya Uu Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Uu u Safraya Iyo Wujeedada Socdaalkiisa?

    Hargeysa-(Caalami-News)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxaya dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxaya dalka jamhuuriyadda Jabuuti.





Socdaalka madaxdeyne Muuse Biixi Cabdi iyo wefdiga uu horkacayo ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee uu ugu socdaal dibadda tan iyo markii la doortay 13-kii bishii diseember ee sanadkii 20117.

Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibedda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay saaka in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halkaasina uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadaneysa laba maalmood oo maanta u bilaabaneysa.



Madaxweynaha Somalinad, Muuse Biixi Cabdi

Wasiirku wuxuu sheegay sidoo kale in labada dhinac ee walaalaha ahi ay ka wada hadlayaan sii xoojinta xidhiidhkooda dhinacayada ganacsiga , socdaalka , nabadgelyada , siyaasadda iyo dhaqanka ee horey uga dhexeeyay .

Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay wafdigii ugu ballaadhnaa oo afar wasiir iyo xubno ka tirsan baarllamaankeeda u soo dirtay xafladii caleemo-saarka madaxweyne Muuse Biixi ee Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargaysa 13-kii bishii December 2017 .

Caalaminews/Hargeysa

 

 

 

info@caalaminews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip