Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Safarro Ku Soo Maraya Gobolada Nugaal, Mudug iyo Galgaduud + Cabsida In Uu Soo Gaadho Deegaanno Ka Tirsan Somaliland

0
Saturday January 06, 2018 - 10:19:43 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Safarro Ku Soo Maraya Gobolada Nugaal, Mudug iyo Galgaduud + Cabsida In Uu Soo Gaadho Deegaanno Ka Tirsan Somaliland

    Muqdisho-(Caalami-News)-Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku jira qaban qaabadii ugu dnabeysay ee Safarro uu ku soo marayo qaar kamid ah Gobolada Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku jira qaban qaabadii ugu dnabeysay ee Safarro uu ku soo marayo qaar kamid ah Gobolada Somaliya.






Magaalada Garoowe oo ah halka ay ka bilaabaneyso Socdaalkiisa ayaa waxaa ka socota diyaar garoowgii ugu danbeeyay ee loogu jiro soo dhaweynta Wafdiga uu Hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo ay qeyb ka noqonayaan Xildhibanada labada Aqal qaarkood, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Saraakiil kale.

Qorshaha ayaa markii hore ahaa in Wasiirkii arrimaha gudaha Somaliya ee Khamiistii xilka laga qaaday qaban qaabiyo Socdaalka Madaxweynaha balse shalay ayaa laga daba diray wafdi kale maadaama isaga xilka laga qaaday Booskiisana Nin kale loo magacaabay.

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland oo xubin ka ah Guddiga Madaxweyne Gaas uxilsaaray soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa Saxaafadda Garoowe ugu sheegtay in socdaalka Farmaajo la xidhiidho sidii uu xadhiga uga jari lahaa Garoonka Magaalada Garoowe oo la casriyeeyay iyo inuu ka qeybgalo Munaasbaada lagu weyneynayo doorashadii gaas oo ku asteysan 8 January.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa sida qorshuhu yahay inuu Garoowe gaadho maalinimada Axada oo ay taariikhdu tahay 7-da January, waxaana aad loo adkeeyay amniga guud ee Garoowe iyadoo Puntland ciidamo dheeraad ah bannaanka usoo saartay.



Wararka ayaa sheegaya inuu waftiga Farmaajo hordhac u ahaa wasiirkii qorsheynta Somaliya ee dhawaan Socdaalka ku yimid gobalka Sanaag , kaas oo kulmo uu la yeeshay odayaasha deeganka iyo wax garadka u sheegay in madaxweyne Farmaajo soo booqan doono jidka isku xidha Ceel-Daahir ilaa Ceerigaabo oo uu sheegay in dawlada Moqdisho ay lacag ku dareyso dhismaha jidkaas.

 

 

 

Mr Farmaajo ayaa waxaa uu furi doonaa mashariic ka hir galay Puntland oo lala sugaayey inuu isagu furo sida dib u dhis iyo casriyeen lagu sameeyey madaarka Garoowe , waxaana uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda maamulka Puntland .

 

 

 

Dawlada Puntland ayaa la eegi doonaa talabada ay qaado hadii Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado deegano ka tirsan Somaliland , iyadoo xukuumadu socdaalkii wasiirka qorsheynta ku tilmaantey daandaansi


Waa socdaalkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tago qeybo kamid ah deegaanada Puntland isagoo horay ugaaray Gobolada;Sh.Hoose,Jubada Hoose, Baay iyo Galgaduud.

Caalaminews/Hargeysa

 

 

 

info@caalaminews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip