Hargeysa:-Sarrifilayaasha Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay Inuu Ku Dhiirado Wax Ka Qabashada Sicir-bararka Dalka Saameeyey

0
Saturday January 06, 2018 - 11:15:32 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:-Sarrifilayaasha Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay Inuu Ku Dhiirado Wax Ka Qabashada Sicir-bararka Dalka Saameeyey

    Hargeysa-(Caalami-News)-Guddoomiyaha sariflayaasha Somaliland Axmed Xasan Mataan ayaa madaxweynaha ku amaanay gudida loo saaray xalinta sicir-bararka iyo qiime dhaca lacagta, waxaanu ugu baaqay madaxweynaha in haatan loo baahan yahay in lagu dhiirado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Guddoomiyaha sariflayaasha Somaliland Axmed Xasan Mataan ayaa madaxweynaha ku amaanay gudida loo saaray xalinta sicir-bararka iyo qiime dhaca lacagta, waxaanu ugu baaqay madaxweynaha in haatan loo baahan yahay in lagu dhiirado sicir-bararka oo wax ka qabashada sicir-bararka la beegsado.





Qoraal kooban oo uu guddoomiyaha sariflayaashu soo gaadhsiiyay wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu isaga oo dhamays tiran u dhignaa sidan”Haddii aanu nahay ururka sariflayaasha ee Somaliland ee magaciisu yahay Wadajir, waxaanu marka hore u diraynaa hanbalyo iyo bogaadin madaxweynaha cusub iyo xukuumadiisa,madaxweynaha waxaanu Alle u waydiinaynaa inuu xilka u fududeeyo mid umadda wax u qabtana uu ka dhigo.

intaas ka bacdi haddii aanu nahay ururka sariflayaasha Somaliland waxaanu si buuxda u taageeraynaa wado kasta iyo sifo kasta oo sicir-bararka wax la’gaga qabnaayo, waxaanu madaxweynaa ku hanbalyaynaynaa gudida uu u magacaabay wax ka qabashada sicir-bararka.

1- Waxaanu si buuxda u taageeraynaa lana shaqaynaynaa gudida uu madaxweynuu magacaabay.

2-Waxaanu ka digaynaa in gudidu ay noqoto gudida ay xukuumadii hore magacawday oo kale, oo hawshii loo diray talo bixin ka keenay socodsiina waayay.

3-Waxaanu ka codsanaynaa madaxweynaha iyo gudidanba inaanu kulan toos ah yeelano maadaama oo aanu qayb ka nahay arimahan laga hadlaayo.

4-Madaxweynaha waxaanu ka codsanaynaa inuu fulinteeda yeesho waxii gudidaasi ay soo saarto ee lagu xalinaayo wax ka qabashada sicir-bararka, si ka duwan sidii hore.

5-Gudidu ha ku darsadaan shaqadooda in lacagtii dalka ay meesha ka sii baxayso.

6-Waxaanu uga digaynaa cid kasta oo isku dayda inay khalkhal iyo sicir-bararka u horseedo umadda in aanu si toos ah ugu gudbin doonaan Baanka Dhaxe hadii uu wax ka qaban waayana aanu xukuumada toos u gaadhsiin doono.

Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip