Sheekh Siciid Maxamed Faarax Oo Si Adag U Naqdiyey Hawl Gallada Ciidanka Booliska, Kana Hadlay Macaasida Iyo Cidhib-xumada Ay Sababto...

0
Saturday January 06, 2018 - 13:31:38 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Siciid Maxamed Faarax Oo Si Adag U Naqdiyey Hawl Gallada Ciidanka Booliska, Kana Hadlay Macaasida Iyo Cidhib-xumada Ay Sababto...

    Hargeysa-(Caalami-News)-Guddoomiyaha xafiiska diwaanka Sakada Sheekh Siciid Maxamed Faarax ayaa si kulul u naqdiyey hawlgaladii ay dhawaan magaalada Hargeisa ka fuliyeen ciidamada booliska Somaliland, kaas oo ay ku bartilmaameedsanayeen dhalinyarada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Guddoomiyaha xafiiska diwaanka Sakada Sheekh Siciid Maxamed Faarax ayaa si kulul u naqdiyey hawlgaladii ay dhawaan magaalada Hargeisa ka fuliyeen ciidamada booliska Somaliland, kaas oo ay ku bartilmaameedsanayeen dhalinyarada.





Sheekh Siciid ayaa khudbadii Jimcaha ee uu shalay ka jeediyey masaajidka Cumar Cismaan ee magaalada Hargeisa ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso akhlaaqiyaadka ciidamada booliska Somaliland.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xafiiska diwaanka Sakada Sheekh Siciid Maxamed Faarax ayaa waxa uu khudbadiisaas kaga hadlay macaasiada iyo sida ay Ilaahay agtiisa uga tahay wax aan la mahadsanin. Isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa ka mid ah hadaladiisa 



”Waxa soo baxay oo soo iftiimay fasaadka, fasaadka dadka qaar macaasidoo kaliyeey u maleeyaane maaha macaasida, fasaadku waxa weeyaan waxyaalaha arsaaqda ilaahay qofka bini aadamka ah siiyay, in qofka bini aadamka ihi uu isticmaali kari waa oo ku raaxaysan kari waayo oo dhibaato iyo mushkiladi kaga dhacdo, roobkii qiimo yeelan waayo waxyaalihii soo baxayay ee khudaartii qiimo yeelan waayo qofka naftiisii iyo wakhtigiisii qiimo yeelan waayaan, fasaadka noocaasa markuu qofka binu aadamka ah ku dhaco, fasaadkaasina uu noqdo mid ku dhaca qofka tuulooyinka jooga qofka magaalooyinka ama xeebaha jooga iyo magaalooyinka kale ee uu qofku joogo bad iyo berri wuxuu sheegay ilaahay sababta uu fasaadkaasi u yimid ee nolosha looga faa’idaysan waayey ee fasaadkaasi u yimi uu yahay mid dadka ka yimi waxay dadku shaqaysteen ficilkaasi dadka ka yimid ayaa keentay in dadka laga qaado oo laga kaxeeyo nicamkii dhadhankeeda ay garan waayaan ama ay dareemi doonaan. Waxa uu ilaahay ku daray subxaana watacaalaa siduu ilaahay udhadhamiyo fasaadkaasi wuxuu ugu dhacay arintaasay galeen danbigaasay galeen ayuu ugu dhacay ilaahay markaa wuxuu dhadhansiinayaa intii ay sameeyeen falalkii qayb kamida iyagoo laga rabo oo looga baahan yahay inay soo noqdaan oo ay ilaahay subxaana watacaalaa usoo noqdaan, wax danbiga ka wayni ma jiro shar, macaasida ka wayni majiro aduun iyo aakhiraba, macaasida darted ayaa ilaahay nabi aadan janada uga soo saaray,macaasida darted ayaa ibliiskii circa ku sugnaa laga soo eryay macaasida darteedbaa reer qawmu Nuux loo qarqiyay oo bada iya daad ku uqaaday.


Qofka bini aadamka ah ee macaasida ku jiraa cidhiidhibuu dareemayaa warwar iyo walbahaarbaa ku dhacaya xanuuno badan oo nafsiya iyo waswaas ayaa ku dhaca oo qofkaasi wuxuu noqdaa qof bacaysan oo shakisan dabadeeto waxa loo la cararayaa culimadii quraanka saaraysay culimadu maxay ka qaban kartaa qof ilaahay ka fogaaday oo macaasidii ilaahay xalaashaday oo dhinacaa iyo dhinacaa ugu dabaashay wax alaale wax ay culimo ka qaban kartaa ma jirto”.



Caalaminews/Hargeysa

 

info@caalaminews.com

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip