Madaxweyne Muuse Biixi Oo Safar Ugu Baxay Maanta Dalka Jabuuti Iyo Warbaahinta Oo Aanu La Hadlin

0
Saturday January 06, 2018 - 13:59:04 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Safar Ugu Baxay Maanta Dalka Jabuuti Iyo Warbaahinta Oo Aanu La Hadlin

    Hargeysa-(Caalami-News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynuhu uu ka helay marti-qaad rasmi ah, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaraha ee Cigaal Intern

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynuhu uu ka helay marti-qaad rasmi ah, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport, salaan sharafna ka qaatay cutub ka mida ciidamada.





Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona maalmo kooban, waxaana marti-qaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu safarkani noqon doonaa mid sii xoojiya wada shaqaynta labada dal ee walaalaha isla markaana jaarnimadu ka dhaxayso, iyadoo ay labada madaxweyne ka wada hadli-doonaan xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Waxa Safarka ku wehelinaayey:


1. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire
2. Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska, Md. Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon)
3. Wasiirka Caddaalada, Md. Cabdiqani Maxamuud Cateeye
4. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan
5. Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland, Sareeyo guuto Cabdi Xirsi Ducaale




 

Caalaminews/Hargeysa

 

info@caalaminews.com

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip