[War Deg-Deg Ah]: Halkan Ka Akhri Kal-fadhigii Saddexaad Ee Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ay Kasoo Baxeen Qodobo Xasaasi Ahi.

0
Thursday January 11, 2018 - 16:54:31 in Wararka
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Deg-Deg Ah]: Halkan Ka Akhri Kal-fadhigii Saddexaad Ee Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ay Kasoo Baxeen Qodobo Xasaasi Ahi.

    Hargeysa(Caalaminews): Kalfadhigii saddexaad ee ay yeeshaan golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka ka qabsoomay qasriga looga arrimiyo Jamhuuriyadda Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Caalaminews): Kalfadhigii saddexaad ee ay yeeshaan golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka ka qabsoomay qasriga looga arrimiyo Jamhuuriyadda Somaliland.


Shirkan oo uu shir guddoominayey madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi  ayaa aad loogu lafaguray qodobo xasaasi oo ay kamid yihiin dagaalkii dhawaan ka dhacay tuulada TUKORAQ ee u dhexeeyey Somaliland iyo Puntland.


Halkan Hoose Ka Akhri Qodobada Kasoo Baxay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland.

WAR-SAXAAFADEED:11/01/2018

Kal-fadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 11.01.2018.



Go'aamada Shirka Kasoo Baxay: 


1. In dawladda Somaliland, siday horeba u sheegtay ay ka go’antahay in ay ilaalinayso xuduudaheeda, ogalaan doonnina in taako ka mida dhulka Somaliland lagu soo xadgudbo.

2. In ay dawladda Somaliland u cadaynayso Wadamada deriska ah iyo Beesha Caalamkaba, inay ka go’an tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasiloonida mandaqadda.


3. In Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u taageeraan, isla markaana ay is garab taagayaan Ciidanka Qaranka ee tallaabada geesinimada leh ku dhaqaaqay, kuna hawlan sidii uu u sugi lahaa xuduudaha Somaliland.

4. In ay Golaha Wasiiradu si buuxda u bogaadinayaan go’aankii labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada ee xaaladda jiida hore.


5. In guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Golaha Wasiiradu ay soo darsaan, go’aanna ka soo gaadhaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah, soona qiimeeyaan shaqooyinka ay hayaan ajaaniibtu, ee ay qaban karaan xirfadlayaasha Muwaadiniinta ahi.


6. Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay qaab-dhismeedka guddi -hoosaadyada Golaha Wasiiradu uu yeelanayo oo ah sidan.


a. Guddida Nabadgalyada 5 wasaaradood
b. Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarka 9 Wasaaradood
c. Guddida Arrimaha Bulshada 9 Wasaaradood
d. Guddida Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf-raadinta 6 Wasaaradood
e. Guddida Cadaladda iyo Shuruucda dalka 6 Wasaaradood Iyadoo ay wasaaraddaha qaar ka mid yihiin wax ka badan hal guddi-hoosaad ee kor ku xusan.


ALLAA MAHAD LEH



Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip