[DAAWO SAWIRRO]: Madaxweyne Farmaajo Oo Dhagax Dhigay Waddo Laami Ah Oo Isku Xidhi Doonta Boosaaso Iyo Ceerigaabo + Mawjado Soodhaweyn Ah Oo Uu Kala Kulmay Reer Boosaaso.

0
Thursday January 11, 2018 - 20:52:39 in Wararka
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DAAWO SAWIRRO]: Madaxweyne Farmaajo Oo Dhagax Dhigay Waddo Laami Ah Oo Isku Xidhi Doonta Boosaaso Iyo Ceerigaabo + Mawjado Soodhaweyn Ah Oo Uu Kala Kulmay Reer Boosaaso.

    Boosaaso(Caalaminews): Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi iyo madax uu kamid yahay madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, siyaasiyiin i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boosaaso(Caalaminews): Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi iyo madax uu kamid yahay madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo tiro badan ayaa maanta soo dhawayn ballaadhan kala kulmay shacabka kunool magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka hoos yimaadda ee katirsan gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.



Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeydh, Karin iyo Laag oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta iyo la tashiga shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu safarka ku jiray waxa uu dhagax dhigay wajiga labaad ee waddo laami ah isku xidhaysa Ceel Daahir iyo magaalada  Ceergaabo ee gobolka Sanaag. Halka uu Deegaanka Kalabeydh ka dhagax dhigay waddo isku xichi doonta deegaankaas iyo Degmada Beyla ee Gobolka Bari.



"In badan oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda deegannadan waxa ay markasta nagala hadlaan sidii adeegyada dowladda ee heer Federaal loogu dhammeystiri lahaa. Anaga oo kaa shaneyna Dowlad Goboleedka Puntland waxaan ka shaqeynaynaa arrinkaas.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.


SAWIRRO









Caalaminews/Hargeysa Office
info@caalaminews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip