[MAQAAL]: Shacab ka Somaliland waxa ay kaga hor mareen xukuumadda helitaanka xogaha ku saabsan arrimaha masiirkooda khuseeya. W/Q: C/rashiid I. C/raxmaan.

0
Thursday February 15, 2018 - 09:36:34 in Maqaallo
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [MAQAAL]: Shacab ka Somaliland waxa ay kaga hor mareen xukuumadda helitaanka xogaha ku saabsan arrimaha masiirkooda khuseeya. W/Q: C/rashiid I. C/raxmaan.

    Shacab ka Somalilandwaxay kaga hor mareen xukuumadda helitaanka xoggaha ku saabsan arrimaha masiirkooda khuseeya, dabadeed hay'adihii dawladdu waxay noqdeen kuwo ku jira is-difaac - is difaacuna wuxuu sababaa is dhex yaac nin waliba dhankiisa wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacab ka Somalilandwaxay kaga hor mareen xukuumadda helitaanka xoggaha ku saabsan arrimaha masiirkooda khuseeya, dabadeed hay'adihii dawladdu waxay noqdeen kuwo ku jira is-difaac - is difaacuna wuxuu sababaa is dhex yaac nin waliba dhankiisa wax astur is leeyahay oo bariiqad keensanaya.



Xoggaha bulshada la siinayaa (Public Information) Waxay xukuumadda ka caawiyaan abuuritaanka xidhiidh keena is faham, is aamin & isku kalsoonaanta dhex marta xukuumadda & shacabkeeda - wuxuu abuuraa bulsho si togan u fikiraysa.


Tusaale ahaan haddii ay dawladdu damacsanayd in ay samayso shirkaddan maal galinta ee Dubai oo ay xoggaha bulshada hore ula wadaagi lahayd war saxaafadeed yar oo ku saabsan in ay shirkadaasi ay xukuumaddu diiwaan galisay lana sugayo liisan keeda - qayladii & is dhex yaacii ma uusan jireen.



Sidoo kale haddii hadba xogaha ku saabsan mashruuca xunbo weyne si talaabo talaabo ah bulshada loola wadaagayo ma aysan dhacdeen u qaadan waagani - xataa haddii uu mashruucu fashilmay oo aad ogtahay in aad aayar uun waa fashilmay tidhaahdo waxaa ka suuban in bulshada loo diyaariyo sidii fashilkaasi ay u qaadan lahaayeen oo aysan faraha uga sii baxdeen kalsoonida & is aaminka u dhexeeya bulshada & xukuumaddu, maadaama oo ay tahay dhib qarranka ku habsatay.


Waxaa markaas lagama maarmaan ah in xukuumaddu u aragto in ay muhiim tahay in bulshada had & jeer xog waran la siiyo. Shicib si aad u heer sarraysa xogogaal u ahi wuxuu xukuumadda ku riixaa in ay hawl qabad wacan qabato


W/Q: C/rashiid Ibraahin C/raxmaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip