
" Muuse -ow Aakhiro Luxudka Ayaan Kuu Fadhiyaa, Cabdiraxmaan CIRRO Waa Nin Muslim Ah,Waxaan Ka Codsanayaa Ismaaciil Cumar Geelle.." Abwaan Baarleex
Abwaan Baarleex ayaa waxaa uu mar kale baaq u diray dhamaan madaxda Somalida ee Kililka Shanaad , Jabuuti , Somaliya iyo Somaliland .
Sidoo kale Abwaan Baarleex ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi aanu soo booqanin isla markaana aanu wax u qabtey aaney jirin , waxaana uu carabka ku dhuftey in uu ka mid yahay dadka uu Madaxweyne Muuse Biixi xilka u qaadey isla markaana wax laga weydiin doono maalinta aakhrina uu luxudka u fadhiyo hadii uu maanta sidas ku dhinto .
Dhinca kale Abwaan Baarleex ayaa amaan u jeediyey gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo uu sheegay in uu booqasho ugu yimid waxii dhinaciisa uu la qaban kaareyeyna uu la qabtey
Waxaa baaq u diray madaxwaynaha Somaliland iyo ummadda Soomaliyeed in ay u fidiyaan caawimo dhaqaaleed oo uu ku tago dalka Turkiga.
Halkan hoose ka DAAWO muuqaalka warkaa
Caalaminews/Hargeysa
info@caalaminews.com