[MAQAAL]: Isbedbedlka Awoodaha Wadamada Dunida: yaa Khasaaraya yaase Guulaysanaya, Sidee baanay inoo Saamanayaan?. W/Q: C/rashiid Axmed.

0
Wednesday March 28, 2018 - 14:16:06 in Arrimaha Bulshada by Super Admin
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [MAQAAL]: Isbedbedlka Awoodaha Wadamada Dunida: yaa Khasaaraya yaase Guulaysanaya, Sidee baanay inoo Saamanayaan?. W/Q: C/rashiid Axmed.

    Awood dhamaanteed Allah (swt) baa iska leh. Isaga inta kasokaysa waxa dhacda in kolba awood banii aadam oo hal waddan ama inka badan ka koobani ay adduunka ku amarkutaagleeyaan iyagoo isticmaalaya awood dhaqaale iyo cudud milatari. Quwadaha noocaasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Awood dhamaanteed Allah (swt) baa iska leh. Isaga inta kasokaysa waxa dhacda in kolba awood banii aadam oo hal waddan ama inka badan ka koobani ay adduunka ku amarkutaagleeyaan iyagoo isticmaalaya awood dhaqaale iyo cudud milatari. Quwadaha noocaasa inta taariilhda aynu ku



 hayno waxa kamida Fircoonkii dalka Masar katalin jiray oo markuu ka adkaaday dadkii reer Masar isyidhi maamulkaagu dunida wuu dhaafay oo ciriyo dhulba adaa u awood badan ilaa uu ku dhawaaqay "anigaa ah rabigiina sare". Ragaa awooda sheegtay inta badan waxay ahaayeen boqorada wadamadooda. Boqortooyadii reer Yurub ee fadhigeedu Rooma ahaa iyo boqortooyadii Faarisiyiinta ee iyaguna dalka Iiraan udhashay ayaa ka mid ahaa dalalka ay boqoradoodu awood buuxda sheegteen, kuwaasoo waxay doonaan awood ku muquunin jiray.



Iyadoo Rooma iyo Faaris (Persia) ay adduunka intiisa badan kuamarkutaagleeyaan ayaa diinta Islaamku soo degtay oo Nebi Muxamed (scws) uu dawladii adduunka ugu awooda badnayd ka aasaasay Mediina Munawara horaantii qarnigii 7aad ee taariiKhda miilaadiga, taasoo awood adag ahayd ilaa horaantii qarnigii 20aad markii dagaalkii koowaad ee dunida lagu jabiyay dawladii Cusmaaniyiinta ee Turkigu hogaaminayay.


Intaa kadib laba awoodood ayaa caalamka ku loolamayay kuwaasoo kala ah Maraykanka iyo Ruushka. Maraykankuna xulafadiisa ayuu watay (NATO), Ruuskuna wixii Soofiyeetka laysku odhan jiray iyo wadamadii bariga Yurub ayuu horjooge u ahaa. Wadamadii Soofiyeetka isku ahaa markay 1990Kii kala googoeen ayaa waxa soo hadhay Ruushka oo keligii noqonaya dalka dunida ugu baaxad wayn khayraadkiisa dabiiciga ahina aanay yarayn. Burburka Soofiyeetka wuxuu isugu jiray burbur nidaam dhaqaale iyo kalagooga ay ka goeen ilaa 8 waddan oo iskood isu taagay. Sidaa darteed awoodii ciidan iyo tii dhaqaale ee Ruushka dhaawac wayn baa soo gaadhay oo wuxuu ku qasbanaaday inuu dib isugu noqday oo in muddo ah uu ka fadhiisto hirdankii uu kula jiray Maraykanka marka laga hadlayo awood isticmaalka iyo hogaaminta dalalka adduunka. Sidaana waxay saaxada caalamku ugu banaanaatay Maraykanka oo ku dhawaaqay inuu soo saaray nidaam cusub oo uu caalamka ku xukumayo markii uu madaxweyne George W Bush 1990 gii uu ku dhawaaqay "New World Order" oo macnaheedu yahay "Nidaamka Cusub ee Adduunka". Siyaasadda Mr. Bush Maraykanku muu mahadin oo waxay dhaxalsiisay inay ku timaado dhaqaale burburkii ugu weynaa ee soo foodsaara taariikhdiisa sabatuna waxa weeyaan inuu isku qaaday dagaalo waaweyn oo intooda badan uu ka fuliyay waddamada Muslimka ah. Dagaaladaa ayaa aad uwiiqay miisaaniyadiisa ilaa ay gaadhay daynta dawlada Maraykanka lagu leeyahay in ka badan 1 trillion ama kun billion oo Doolar. Hadaanu Sacuudiga culafo la ahayna mar hore ayuu dabada dhulka ku dhufan lahaa.



Intii uu Ruushku dibusoo kabashada ku jiray ayuu Maraykanku doonay inuu cashar udhigo dhawr dal oo doonayay inay madaxa lasoo kacaan sida Iiran iyo Kuuriyada Waqooyi. Inkastoo uu Maraykanku labadan dal dhibweyn oo xaga dhaqaalaha ah ugaystay isagoo u isticmaalaya golaha amniga ee hayada qaramada midoobay taasoo noqotay meel uu kafulo amarka Maraykanka oo qudha maadaama aanu jirin dal kula tartamaya awooda dhaqaale iyo ta milatari. Inkastoo uu Maraykan labadaa waddan ee Iiraan iyo Kuuriyada Waqooyi uu ilaa xad ka takooray nidaamka caalamiga ee uu keligii horjoogaha ka ahaa laga soo bilaabo 1990gii, haddana umay suurtogelin inuu boqolkiiba boqol khadkuu larabay kusoo rido. Iiraan iyo Kuuriyaba waxa lagu maagayay waxay ahayd inay diideen inay joojiyaan hubka niyuukliyarka ah ee ay samaysanayeen. Intii uu Maraykan ku foognaa inuu labadaa dal waxyeeleeyo iyo inuu wadamada Carabta isku diro si uu khayraadkooda afka udhigto, ayaa waxa dibu habayntii uu isku samaynayay ku guulaystay dalkii Ruushka oo sidaan korkusoo sheegay samayatay hub casriya oo uu yidhi wuuba ka sareeyaa ka Maraykan isla markaana Mr Putin waxaabu ku dooday in hubkoodan casriga ah Maraykan aanu haysan wax uu iskaga difaaco. Waxa kaloo saaxada caalamigaa si diiran oo aloosan ugu soo biiray dalka Turkiga oo intii uu hogaamiye Ordogan talinayay ku guulaystay inuu samaysto cudud dhaqaale iyo mid ciidan oo bulshada caalamka ka yaabiyay. Dalka China ayaa isaguna noqday mid lasoo baxay awood iskeed umadax banaan oo aan cidna ujoojinayn, qaarada Afrikana doonaya inuu mustaqbalka dhaw afka u dhigto isagoo isticmaalaya awoodiisa dhaqaale ee ay Afrika ubaahan tahay. Qunyar qunyar ayuu China u bilaabay inuu awoodiisa dhaqaale ka dabakeeno mid milatari taasoo ay markhaati utahay bayska ciidan ee uu dhawaan kasamaystay dalka Djibouti.


Arrinta muhiimka ha ayaa ah markaan Somaliland nahay waa kuwee awoodaha isbedelaya kuwa inoogu saamayn badan doonaa? Waana suaashan ta loobaahan yahay inay in badan isweydiiyaan madaxdeena midida daabkeeda hayaa. Maxaa yeelay adduunka maanta waxa lagu cabiraa inuu yahay "hal magaaloo ballaadhan" ama waxa afka Ingiriiska lagu yidhaa "Global Village". Anigu haddaan jawaabta isku dayo waxaan odhan lahaa waxa ina saamaynaya dalka Turkiga oo isagu qorshaynaya inuu saamayn dhinacyo badanle ku yeesho meelihii uu xukumi jiray markuu ahaa dawlada ummada Muslimiinta oo markaa inaguna aynu ku jirno. Waxa kaloo ina saamaynaysa dawlada Maraykanka oo iyadu aan toos inoogu imanahayn laakiin inoosoo maraysa dalka Imaaraadka oo lagu xanto inuu yahay gobolka 53aad ee Maraykanka. Waxa kaloo ina saamaynaysa dawlada Iiraan taasoo inoo soo mari karta kooxda Xuutiyiinta ee talada dalka Yemen dhawaan lawareegay. Waxa kaloo ina saamaynaya dalka China oo isagu raadinaya meel uu umaro dalalka Afrika ee aan badaha lahayn ee uu rabo inuu usameeyo dekedo iyo waddooyin casriya.

Markaa waxaan odhan karaa si toosa ayaynu ugu dhex jirnaa garoonka kubada ee caalamiga ah ee ciyaartoyga buurbuurani ku hirdamayaane aan dareenkeeda lahaano oo aan macnawiyan (psychologically) udiyaargarawno saamayn taban ama mid togan kolba kii inagaga yimaada.


W/Q: C/RASHIID AXMED GUULEED
Email: abdirashidaa@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip