Madaxweyne Biixi Oo Quus Gooyay Damicii Ex-wasiir Maxamuud Xaashi Doonista In Lagu Wareejiyo Guddoomiyaha X.KULMIYE

0
Wednesday April 11, 2018 - 13:40:51 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Quus Gooyay Damicii Ex-wasiir Maxamuud Xaashi Doonista In Lagu Wareejiyo Guddoomiyaha X.KULMIYE

    Hargeysa-(Caalami-News)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in guddoomiyenimada Kulmiye lagu wareejin doono tartanka shirweynaha xisbiga oo aanu sheegin goorta uu qabsoomayo laakiin, waxa uu isku sidkay muddo xileedkiisa mad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in guddoomiyenimada Kulmiye lagu wareejin doono tartanka shirweynaha xisbiga oo aanu sheegin goorta uu qabsoomayo laakiin, waxa uu isku sidkay muddo xileedkiisa madaxweyne iyo guddoomiye oo uu sheegay in uu labada wareejin doono.





"Xisbigu xeer buu leeyahay, xeer baanu ku dhaqma. Xisbiga waan wareejin doona oo madaxweynenimada waan wareejin doona oo midna inta aan sii fadhiyo wakhtigii ay muddaysneed ee xeerka ahayd ku dhaafi maayo, marka xeerkii xisbiga iyo wakhtigiisa ayuun baa la wareejinaya waana wax noo xeer ah,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynuhu.



Wariye Cabdisalaan Hereri oo madaxweynaha waraysanayay ayaa ku celiyay goorta ay noqonayso wareejinta kursiga guddoomiyaha waxaanu ku jawaabay "Marka dee xisbigu wakhtigiisa qaato, xisbiga go’aanka leh. Waxay noqonaysa marka xisbigu soo iclaamiyo ilayn go’aamin maayo oo waa laga tashanayaaye,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.


Hadalka madaxweyne Biixi ayaa jawaab u ah dhaqdhaqaaqa wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi xilligan ku doonayo in kursiga guddoomiyaha lagu wareejiyo.

 

Halka ka daawo muuqaalkaa jawaabta madaxwayne Biixi

 

 

 



Waxa la rumaysan yahay in uu hannaan beeleed ku raadinayo kursiga laakiin, Madaxweyne Biixi ayaa arrin Kulmiye u taalla ku xidhay waxaana hadalkiisa loo fahmi karaa in wareejinta guddoomiyaha muddo xileedkiisu isku xidhan yihiin xataa haddii uu mar kale isa soo sharraxayo taas oo quwad jab ku ah siyaasi Maxamuud Xaashi oo xilligan u xusul duuban hanashada kursigaasi.


Geesta kale waxa uu madaxweyne Biixi ku adkaystay in beelaha Somaliland u xaqsooray kuraasta islamarkaana aanay jirin in ay u dheelliday dhanka beeshiisa iyo guud ahaan beelaha Kulmiye codka badan siiyay.
Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu soo dhaweeyay shirweynaha beelaha Garxajis ee qabanqaabadiisu ka socoto degaannada beesha, islamarkaana aanu wax dhib ah u arkayn in beeluhu aayahooda ka tashadaan.



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip