Muqdisho:-"Guddoomiyihii Shaqadiisa Qabsan Waaya, Shaqada Hallaga Ceydhiyo, Waa In Aad Sida Ugu Dhakhsayaha Badan..."Ra'iisal Wassaare Khayre

0
Sunday April 15, 2018 - 16:20:29 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-"Guddoomiyihii Shaqadiisa Qabsan Waaya, Shaqada Hallaga Ceydhiyo, Waa In Aad Sida Ugu Dhakhsayaha Badan..."Ra'iisal Wassaare Khayre

    Muqdisho-(Caalami-News)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin u jeediyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilligan wajahaya culeysyo uga imaanaya Madaxda dowladda, kaddib markii lagu wargeliyay in wixii had

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin u jeediyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilligan wajahaya culeysyo uga imaanaya Madaxda dowladda, kaddib markii lagu wargeliyay in wixii hada ka bilowda lagula xisaabtami doono shaqadeeda.



Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo shaqadeeda qabsan weyda ama laab-laab lagu arko, isagoo faray Talisyada Ciidanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir cidii howsheeda qabsan weyda in shaqada laga ceydhiyo

 


"Runtii maalin dhoweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn amni darada magaalada, waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaadhsiiyay, laga bilaabo maanta amniga magaalada waa in aad sida ugu dhakhsiyaha badan wax uga qabataan, cidii shaqadeeda qabsan weyda waa in shaqada laga ceyriyaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

 



Kulankii xalay uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Saraakiisha Booliska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir.

 

 

 

 



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip