[War Culus]:-Xukuumadda KULMIYE Oo Dhaqaajisey Qorshe Ka Dhan Ah In Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid Ka Mid Noqdo Golaha Wakiilada Somaliland

0
Monday April 16, 2018 - 13:37:12 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Culus]:-Xukuumadda KULMIYE Oo Dhaqaajisey Qorshe Ka Dhan Ah In Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid Ka Mid Noqdo Golaha Wakiilada Somaliland

    Hargeysa-(Caalami-News)-Xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horaysay buuq galisay qaabkii ay u kala horeeyeen murashaxiintii kaydka u ahaa xisbiga Kulmiye ee ku tartamay doorashadii golaha wakiilada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horaysay buuq galisay qaabkii ay u kala horeeyeen murashaxiintii kaydka u ahaa xisbiga Kulmiye ee ku tartamay doorashadii golaha wakiilada.




Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhaq dhaqaaq bilawday wakhtigii ay ka war heshay in booskii uu baneeyey alle haw naxariistee Xildhibaan Ibraahin Kacaan uu buuxinayo siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah siyaasiyiinta mayalka adag ee ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.



 

 

Xukuumada ayaa wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Maxamed Muuse Abees oo ka mid ahaa murashaxiintii Kulmiye u adeegsatay inay ku garaacdo siyaasi Xuseen Axmed Caydiid isla markaana ku dhalisay inuu dood ka keeno booska uu buuxinayo, iyada oo ku war gelisay inay jirto isbadal ku yimid kala horaynta xubnaha kaydka ah, isla markaana uu cod ahaan ka horeeyo Xuseen Axmed Caydiid.


Warqad la filayo in soo bixitaankeeda ay xukuumadu gacan weyn ku lahayd balse ay ka muuqdaan khaladaad aan marna la qarin Karin ayaa taageeraasha Madaxweyne Muuse Biixi ku soo bandhigeen baraha bulshada.


Warqadan ayaa lagu muujiyey isbadal lagu sameeyey natiijada codadka ah ee ay kala heleen Xuseen Axmed Caydiid Iyo Maxamed Muuse Abees, balse khaladka ugu weyn ee warqada ka muuqda ayaa ah in Xuseen Axmed Caydiid ku xusan yahay inuu yahaykaydka shanaadhalka Maxamed Muuse Abeesna ku jirokaydka Lixaadiyada oo tirada codadkiisu ka sareeyaan kuwa siyaasi Xuseen, balse haddii ay warqadaasi noqon lahayd mid sax ah Maxamed Muuse Abees waxa uu gali lahaa kaydka shanaad halka Xuseen Axmed Caydiidna uu gali lahaa kaydka Lixaad iyada oo aanay taasina guud ahaanba ku cadayn warqada.


Warqada Hada La Soo Bandhigay

No automatic alt text available.


Dhinaca kale waxa maalmo ka hor dibada u soo baxday warqad kale oo ay ku muujisan yihiin sida ay u kala horeeyaan murashaxiintii kaydka ahaa ee xisbiga Kulmiye u tartamay doorashadii baarlamaanka, taas oo muujinaysa in siyaasi Xuseen Axmed Caydiid uu ka horeeyo Maxamed Muuse Abees, warqadaas oo loo malaynayo inay tahay mida dhalisay dhaq dhaqaaqyada ay bilawday xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.


Warqada Maalmo Ka Hor La Soo Bandhigay

No automatic alt text available.


Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid ayey wararku sheegayaan inuu maalmo ka hor guddida doorashooyinka oo gacan saar culus la leh xukuumada gaadhsiiyey xogta natiijadii ka soo baxday doorashadii 2005-tii, isaga oo ku war geliyey dhaq dhaqaaqyada ay xukuumadu bilawday, iyada oo guddida doorashaduna ay ku war geliyeen inaanay la socon dhaq dhaqaaqyada xukuumada isla markaana ay booska ka banaan golaha wakiilada u ogyihiin Xuseen Axmed Caydiid.


Guddida doorashadu ayey wararku sheegayaan in khalad weyni ka jiro dhinacooda kuwaas oo ku doodaya inaanay hayn xogta tilmaamaysa sida ay u kala horeeyaan murashaxiintii xisbiyada ee ku tartamay doorashadii golaha wakiilada, balse ay mar kasta oo boos banaanaado u daba fadhiistaan maxkamada sare.


Dadka siyaasada u dhuun daloola ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi ay suurta gal ka noqon karta inuu talaabadan noocan ah qaado marka la eego halka ay kala taagan yihiin Xuseen Axmed Caydiid oo ay si adag iskaga soo horjeedaan siyaasada, kuwaas oo la tilmaamo inay ka dhaxayso siyaasad adag oo ay labadooduba iskaga soo horjeedaan.

 

 

 

Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip