Ciyaaryahanka Caanka Ah Ee Ronaldinho Oo Markii Ugu Horreeysey Safar Ku Tegey Dalka Itoobiya

0
Monday April 16, 2018 - 14:19:46 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahanka Caanka Ah Ee Ronaldinho Oo Markii Ugu Horreeysey Safar Ku Tegey Dalka Itoobiya

    Addis-Ababa-(Caalami-News)-Xiddigii Kubada Cagta ee Reer Brazil laguna magacaabo Ronaldo de Assis Moreira, hasayeeshee loo garan og yahay Ronaldinho ayaa markii ugu horreysay taariikhda soo gaadhay dalka Ethiopia Magaalo madaxdiisa Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis-Ababa-(Caalami-News)-Xiddigii Kubada Cagta ee Reer Brazil laguna magacaabo Ronaldo de Assis Moreira, hasayeeshee loo garan og yahay Ronaldinho ayaa markii ugu horreysay taariikhda soo gaadhay dalka Ethiopia Magaalo madaxdiisa Addis Ababa.




Ronaldinho oo qayb ka ahaa wafti UEAFA Champion League ka socda ayaa sida lagu baahiyay Shabakada wararka ee Prensa waxa si diiran u soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee waddanka Ethiopia Workneh Gebeyehu.


Wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia oo ka hadlayay soo dhaweynta ciyaaryahankaasi ayaa sheegay in Ciyaaruhu ay kor u qaadaan is dhex galka iyo arrimaha Diblomaasiyadda la xidhiidha.



"Ciyaaruhu waxa ay muhiim u yihiin Diblomaasiyadda” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia.

Waxa kale oo uu wasiirku intaasi ku daray oo uu yidhi "Brazil waxa lagu yaqaanaa oo ay hormuud iyo hoyba uu yihiin ciyaaraha kubada cagta, halka Ethiopiana ay hormuud u tahay ciyaaraha fudud ee masaafada” ayuu yidhi wasiirku.


 

 

 

Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip