[War-saxaafadeed]:-Dowladda Somaliya Oo Ka Hadashey Khilaafka Ka Dhex Alooosanaa Dalalka Imaaraatka Carabta Iyo Somaliya

0
Monday April 16, 2018 - 14:44:52 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War-saxaafadeed]:-Dowladda Somaliya Oo Ka Hadashey Khilaafka Ka Dhex Alooosanaa Dalalka Imaaraatka Carabta Iyo Somaliya

    Muqdisho-(Caalami-News)-War Saxaafadeed ku qoran afka Ingiriiska oo kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Xukuumada Soomaaliya ayaa looga hadlay Khilaafka ka dhax aloosan Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-War Saxaafadeed ku qoran afka Ingiriiska oo kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Xukuumada Soomaaliya ayaa looga hadlay Khilaafka ka dhax aloosan Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka.



Warka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka uu ka dhaxeeyo xiriir adag oo dhinaca Ganacsiga, Siyaasada iyo dhaqanka.

 


Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa cadeesay in Soomaaliya diyaar u tahay in sidii caadiga ahaa lagu soo celiyo xiriirkii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Imaaraatka oo hada meel xun gaaray.

 



War Saxaafadeedka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa looga mahad celiyay Dowlada Imaaraartka gacantii ay ka geesatay taageerida dowlada, la dagaalanka Argagaxisada iyo gacantii ay ka geesatay dib u dhiska Soomaaliya.

 


Warkan kasoo baxayWasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in is fahmi waaga dhinaca siyaasada ee soo kala dhax galay labada Dowladooda uu yahay mid laga gudbi karo.

 


Qoraalka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar dhinaca dowladnimada ah,iyada oo dib u dhiska Hay’adaha dowladda ka shaqeyneysana ay diyaar u tahay in ay dowladda Imaaraadka sii waddo dadaallada taageeridda dowladnimada Soomaaliya.

 


War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxbanaanida iyo sharafta Soomaaliya ay muhiim u tahay dowladda ,waxaana ay dowladda Soomaaliya soo jeediysay in laga gudbo wixii is faham waa ah ee dhawaan soo kala dhexgalay labada dowladood.

 

Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda


 

 

 


Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip