Macallin Jaamacadeed Oo Lagu Toogtey Magaalada Muqdisho

0
Monday April 16, 2018 - 14:41:16 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallin Jaamacadeed Oo Lagu Toogtey Magaalada Muqdisho

    Muqdisho-(Caalami-News)-Dabley hubeysan ayaa Magaalada Muqdisho ku diley oo ay ku toogteen Macallin wax ka dhigayay mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaal Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Dabley hubeysan ayaa Magaalada Muqdisho ku diley oo ay ku toogteen Macallin wax ka dhigayay mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaal Magaalada Muqdisho.




Macallinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Caddow Nuur, wuxuuna wax ka dhigaayay Jaamacadda Somaliya, kulliyadda Shareecada.


 

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Dayniile, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in macalinka uu wax ka dhigi jiray mid ka mid ah Iskuulada Turkiga ay wax ku baraan dhalinyarada Somaliyed.



 

Jeebkiisa ayaa laga soo saaray laba aqoonsi oo mid muujinaayo inuu barre ka yahay Jaamacadda Somaliya, halka mid kalena uu muujinaayo Iskuulada Turkiga inuu wax ka dhigo.

 


Lama oga sababta ka dambeysay dilka loo gaystay Macalinkaasi wax ka dhigaayay Jaamacada Somaliya ee Magaalada Muqdisho.

 


Maamulka Degmada Dayniile, ayaa Shabaab ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka loo gaystay Macalinkaasi wax ka dhigaayay Jaamacadda Somaliya.

 

 

 



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip