Askari Xaaskiisa Oo Uurle Ku Dilay Magaalada Kismaayo Oo Gacanta Lagu Dhigey

0
Monday April 16, 2018 - 15:01:42 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Xaaskiisa Oo Uurle Ku Dilay Magaalada Kismaayo Oo Gacanta Lagu Dhigey

    Kismaayo-(Caalami-News)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka maamulkaasi gacanta ku dhigeen askari dil aad looga argagaxay u geystay Xaaskiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo-(Caalami-News)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka maamulkaasi gacanta ku dhigeen askari dil aad looga argagaxay u geystay Xaaskiisa.



 

Askarigan oo katirsanaa ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa habeen hore si ula kac ah magaalada Kismaayo waxa uu ku dilay xaaskiisa kadib khilaaf soo kala dhex galay.


 

Ciidamada ammaaka Jubbaland ayaa gacanta ku haya askriga dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Asad, waxaana war kasoo baxay maamulka Jubbaland lagu sheega in askarigan sharciga la horgeyn doono.

 



Gabadha la dilay oo lagu magacaabayay Muxubo Maxamed Guure ayaa ehelkeeda sheegeen in Uur u laheyd askariga dilay, waxaana lamaanahan magaalada Kismaayo isku guursadeen saddex bilood kahor.

 



Dilka askarigan u geystay xaaskiisa ayaa si weyn looga argagaxay magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale dhacdadan si weyn loogu hadal hayaa baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook.

 

 

 




Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip