Is-Barbar Dhigga Wax-qabadka 100- Ka Maalmood Ee Xukuumadda Muuse Biixi Iyo Tii Xilka Uga Horraysay Ee Madaxweyne Axmed Siilaayo 2010/18

0
Tuesday April 17, 2018 - 13:42:08 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is-Barbar Dhigga Wax-qabadka 100- Ka Maalmood Ee Xukuumadda Muuse Biixi Iyo Tii Xilka Uga Horraysay Ee Madaxweyne Axmed Siilaayo 2010/18

    Hargeysa-(Caalami-News)-Toddobaadkii aan kasoo gudubnay Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi waxa ay shaacisay wax-qabadkeedii 120 Maalmood ee Muddo xileedkeeda ugu horreeya taasi oo ay ku taxday Arrimo badan oo ay sheegtay in ay mudadaasi Madaxweynihiisa iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Toddobaadkii aan kasoo gudubnay Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi waxa ay shaacisay wax-qabadkeedii 120 Maalmood ee Muddo xileedkeeda ugu horreeya taasi oo ay ku taxday Arrimo badan oo ay sheegtay in ay mudadaasi Madaxweynihiisa iyo dawladdiisa uu hogaamiyo ay u qabsoomeen.




Qormadan oo dhawr cadad taxane innoo noqon doonta waxa aynu ku eegi doonaa is barbar dhig faahfaahsan oo aan ku samayno wax-qabadka Xukuumadaha Xisbiga KULMIYE ka dhashay ee ay kala hogaamiyeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha xilka uga dambeeyey ee Muuse Biixi Cabdi.



Inkasta oo dad badani doodo kala duwan iyo araa kala geddisan ka qabi karaan wax-qabadka xukuumadaha KULMIYE, midda wax qabad badnayd 120-ka maalmood ee ugu horreeya wax-qabadkooda iyo arrimo kale waxa aan faallada u dhaafi doonaa Akhristayaasheena sharafta leh balse waxa aan si toos ah u guda gali doonaa oo aan Akhristayaasha xusuusin doonaa wax-qabadkii 100 Maalmood ee ugu horreeyey u qabsoomay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo innaga oo la akhriyo doona oo barbar dhigi doona wax-qabadka 120-ka maalmood ee xukuumaddan cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Afhayeenkii Madaxtooyada ee Xukuumaddii Axmed Siilaanyo Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay xaflad Xukuumaddaasi ku soo ban dhigaysay wax-qabadkeedii 100-ka maalmood ee ugu horreeyey muddo xileedkeeda waxa uu ku yidhi:


"Ugu Horrayn Dhismaha Xukuumadda ayaa ugu horreeyey waxbqadka xukuumadda waxaanan odhan karnaa Markii ugu horaysay waxaa la soo dhisay xukuumad tiro yar oo tayo leh oo ka kooban 20 wassaaradood iyo lix wasiir ku xigeen, waxaanay ka dhigtay xukuumaddii ugu tiro yarayd intii Somaliland jirtay. Si aqooni ku jirto ayaa loo suuro geliyay in aanu isbeddelku saamayn badan ku yeelan wada shaqayntii golayaasha iyo hay’addaha dawladda, taasna gacan adag ayaa lagu qabtay si toosa ayaanu u dhaqan galay”.

Tan baddalkeeda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo toddobaadkan shaacisay wax-qabadkeeda 120 maalmood ee ugu horreeya muddo xileedkeeda, haddii aan qodob kaasi oo kale ah soo qaadano waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi markii xilka loo dhaariyey soo dhisay xukuumad ka kooban 32 Wasiir iyo Wasiir ku xigeeno.

 


Is-barbar dhigga Xubnaha Golaha Wasiirrada ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Muuse Biixi:

 

Xukuumaddii Ugu Horraysay Ee Uu Soo Dhisay Madaxweyne Siilaanyo:

1. Wasiirka rimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

2. Wasiirka Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose

3. Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

4. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Md. Xuseen Axmed Caydiid

5.Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan

6. Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed

7. Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cli Shire

8. Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami

9. Wasiirka Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Axmed

10. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday

11. Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed

12. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Prof Ismaaciil Muumin Aare

13. Wasiirka Diinta iyo awqaafka Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed 14. Wasiirka Shaqada iyo Ariamaha Bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac

15. Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan

16. Macdanta Biyaha iyo Tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale

17. Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka Maxamed Xaashi Madar

18. Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

19. Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi

20. Warfaafinta Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)


Iyo 6 Wasiir Ku Xigeen.

 

Xukuumaddii Ugu Horraysay Ee Uu Muuse Biixi Soo Dhisay:

1. Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire

2. Wasiirka Waxbarashada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir

3. Wasiirka Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf

4. Wasiirka Qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac

5. Wasiirka Daakhiliga Maxamed Kaahir Axmed

6. Wasiirka Gaashaan dhigga Ciise Axmed Yuusuf

7. Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi

8. Wasiirka Caddaaladda Cabdiqani Maxamuud Caateeye

9. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed

10. Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed

11.. Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi

12. Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Mire Maxamed

13. Isgaadhsiinta Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi

14. Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad

15. Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hinda Jaamac Xirsi

16. Horumarinta Maalgashiga Maxamed Axmed Maxamuud

17. Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Gaafaadhi

18. Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo

19. Deegaanka Shukri Xaaji Bandare

20. Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore

21. Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal

22. Wasiirka Gaadiidka Cabdilaahi Abokor Cismaan

23. Xidhiidhka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan


Iyo 9 Wasiir ku xigeen.

Dad badani waxa ay faallo ka bixiyaan tirada iyo tayada labadan xukuumadood.

….La Soco

 



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip