"Maxammad Saalax Wuxuu Ku Dayasho Wanaagsan U Yahay Muslimiinta Sida Aniga Oo Kale"

0
Saturday April 28, 2018 - 13:28:44 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maxammad Saalax Wuxuu Ku Dayasho Wanaagsan U Yahay Muslimiinta Sida Aniga Oo Kale"

    Hargeysa-(Caalami-News)-Waxaan maqlay qayladan xilliggii cayaryahan Maxamed Saalax uu goolal ka dhaliyay kooxda Roma habeenkii Salaasada ahayd cayaartii nus dhammaadka ahayd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Waxaan maqlay qayladan xilliggii cayaryahan Maxamed Saalax uu goolal ka dhaliyay kooxda Roma habeenkii Salaasada ahayd cayaartii nus dhammaadka ahayd.




Carruurtayda oo kala Xanna oo 8 sano jir iyo Maxammad oo 6 sano jir ah ayaa si dhaw ula socday una daawanayay cayaarta Muxammad Saalax si ay ugu dabbaal-deggaan guushii ay gaartay kooxdiisa.


Soo shaac bixidda boqorka reer Masar ee u dheelo kooxda Liverpool ayaaa si wayn looga dareemay dalkayga iyo dhammaan dunida.



Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray bariga magaalada London,qoyskayga waxay kasoo guureen dalalka Yemen iyo Burma.

Weliggay ma garwaaqsanin hiloowga aan u qabo dalkii aan kasoo jeeday.

Waxaan maanta si wayn u ogyahay in carruurta kasoo jeedo qoowmiyadaha laga tiro-badan yahay inaysan hiloow iyagana u qabanin dalkoodi.

Markaasi la yaab ma leh ,marka carruurtan ku koray dalalka qurbaha ay ku faanaan cayaaryahan Maxamed Salaax.

Muxammad Saalax waa cayaaryahankii ugu horreeyay oo Masaari ah oo noqdo qofka ugu wanaagsan Cayaaraha Premier League


Gabadhayda Xanna waxay si qiiro leh u daawata marka Maxamed Salaax uu gacmihiisa sare u qaado oo Illaahay baryayo marka uu dhaliyo gool.

 

Sida dhaqanka Islaamku yahay, Ragga waxay daystaan garka Maxammad waa sidaasi.

 

Marka aan arko canugayda lix jirka ah oo isku eegayo billaddayo isagoo ku anddacoonayo inuu qabo gar lamid ah midka Maxamed Salaax, si kale ayaan dareema.

Waxaan ku doodi kara inuu yahay Cayaaryahanka ugu wanaagsan adduunka oo idil xaadirkan.

Muxammad Saalax wuxuu isku keena dhammaan bulshooyinka islamarkaasna waan ku faraxsanahay.

Salaax waa Boqor

Heeso iyo rayrayn ayaa hareeysay dunida muslimka oo lagu xusayo guusha Salaax, Jeceyl iyo farxad ayay u muujinayaan.

Waddankiisa wuxuu ka yahay sidii Boqor.

 

Haddii uu u Cayaaro dalka Masaarida iyo kooxda liverpool waxay ka dhigantahay inuu midaynayo dalalka kala qaybsan ee dunida.

 

Anigoo ah haweeney Xijaaban,waxaa cajiib ah in haween xijaab aad ku aragto garoonka oo sito calanka Masar islamarkaana tageero Maxamed Salaax.

Xanna iyo Muxammad waa tageerayaasha Muxammad Saalax

Toddobaadyo yar ka hor, Xanna waxay timid guriga iyadoo walaacsan,sababto ah carruur da’deeda ayaa hadal hayay olole lagu weerarayo Muslimiinta 3 bisha April, Balse arrintaasi waxay ku reebtay cabsi.

Waxay nagu qaadatay maalmo dhowr ah in sharraxaad ka bixino sababtoo ah qoowmiyad laga tiro badan yahay oo aanan fahmaynin dadka muslimiinta inaysan dareemin farxadda Muxammad Saalax uusoo hoyiyay.

Markii la gaaray 3 Bishii April, Xanna dibbadda maysan aadin waayo way naxsanayd.

 

Way adagtahay in carruur sidaasi u yar aad ka saartid dareen cabsi?

Maxamed Salaax wuxuu fikrad wanaagsan ka gudbinaya bulshada Muslimiinta ah markii ugu horreysay. Muslimka ma aha wax lagu cabsi geliyo carruurta. Fikraddaasi waxaa ila qaba saaxibkayga oo aanan Muslim ahayn tageerana Kooxda Liverpool.

 

Waxaan ogahay in Muxammad Saalax uu yahay shakhsi isku keenayo dadka aaminsan diimaha kala duwan.

Xigasho: BBC-somali

 

 

 



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip