[Xog Hoose]:-Waa Kuma Mas'uul Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Kulan Qarsoodi Ah La Qaatay Madaxweyne Biixi?

0
Monday May 07, 2018 - 14:25:17 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xog Hoose]:-Waa Kuma Mas'uul Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Kulan Qarsoodi Ah La Qaatay Madaxweyne Biixi?

    Hargeysa-(Caalami-News)-Masuul sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa la sheegay in uu habeennadii la soo dhaafay kulan xogtiisa la ilaaliyay la yeeshay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen labada masu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Masuul sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa la sheegay in uu habeennadii la soo dhaafay kulan xogtiisa la ilaaliyay la yeeshay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen labada masuul laakiin, waxa la sheegay in Kaadir Kulmiye ahi ka shaqeeyeen kulankaasi qabsoomidiisa.




Warbaahinta Qaran ayaa sheegtay in Afhayeenka guud ee xisbiga Waddani xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa madaxweynaha la qaatay kulan si weyn loo adkeeyay xogtiisa oo aan la ogayn arrimaha laga wada hadlay.

 

 


Afhayeenka Waddani ayaa ahaan jiray xubin firfircoon oo xisbiga ka dhex muuqday laakiin, aan muddooyinkan dambe lagu arag saaxadda siyaasadda lamana oga in madaxweyne Biixi xil u wado iyo in kale.

 



Kulankan ayaa imanaya iyada oo todobaadadii u dambeeyay xubno xisbiga Waddani ka talo goostay samaysteen garab la tuhunsan yahay in xukumaddu taageerto. Guddoomiyaha Waddani ayaa mucaaradad adag ku eekeeyay xukumadda socod baradka ah ee madaxweyne Biixi waxaanu u jeediyay eedo gaadhsiisan in doorashada la soo qadimo, islamarkaana madaxweynuhu is casilo.

 

Source: Qarannews

 

 

 

 




Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip