Xildhibaan Jirde Oo Ka Sheekeeyay 7 Dhacdo Oo Marxuum Cigaal Ku Saabsan Oo Uu Goob-Joog U Ahaa

0
Wednesday May 09, 2018 - 07:45:19 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Jirde Oo Ka Sheekeeyay 7 Dhacdo Oo Marxuum Cigaal Ku Saabsan Oo Uu Goob-Joog U Ahaa

    Hargeysa-(Caalami-News)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaacil Jirde guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyay dhacdooyin ku teedsan nolashiisa oo la xidhiidha wakhtigii madaxweynihii hore ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaacil Jirde guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyay dhacdooyin ku teedsan nolashiisa oo la xidhiidha wakhtigii madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ay siyaasada iyo guud ahaanba nolasha isku soo gaadheen.




Cabdiqaadir Jirde waxa uu ka hadlay dhacdooyin la xidhiidha arrimo siyaasadeed oo kala duwan oo uu goob-joog u ahaa.

 


Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaacil Jirde ayaa arimahan ka sheegay xuska sanad guuradii 16-naad ee ka soo wareegtay geerida AHN madaxweynhii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, xildhibaan Cabdiqadi Jirde waxa uu ugu horayntii ka hadlay yaraantiisii iyo Cigeel "Aniga markii iigu horaysay ee aan ku baraarugay waxa ay ahayd markii uu ahaa xoghayihii guud ee xisbiga ciyaalkii mikirafoonka hoostiisa fadhiisan jiray ee khudbadaa dhagaysan jiray ayaan ka mid ahaa, waxaan xasuusiyay isagana habeen aan wada joognay markuu Axmed Kayse xisbiga ku soo biiray, way igu dhagtay laakiin waxa laga yaabaa inaan fasalka labaad ama saddexaad ahaa, aabahay ayaa xisbiga jeclaa markaas isaga oo hawl gab ah ayuu odhan jiray daaqada ii fura oo khayriyada wax badan nooma dhaxeeyn oo barigaas cidlay ahayd, halkaas ayuu ka dhagaysan jiray khudbadihiisa nin aftahan ah oo marka uu afka kala qaado sanqadhu ay istaagayso oo hadalkiisa aad loo xiiseeyo ayuu ahaa, waxa ii xigtay 1968 markii aanu dugsiga sare ka baxnay ee aanu Xamar tagnay ayaanu xoogaa cadaadis ah la kulanay markaasna maalin ayaanu wada booqanay dhalinyaradayadii oo waxii aanu tabanaynay aanu u sheeganay, anigu dhacdooytinkii aan la soo maray ayaan ka sheekaynayaa waxa uu ahaa nin siyaasi ah, siyaasi dhamays tiran ayuu ahaa oo siyaasadii,dhaqankii,abwaanimadii iyo diintii iyo quraankii intaba yaqaana, siyaasi dhamays tiran ayuu ahaa.”

 



Xildhibaan Jirde, wuxuu tiriyay dhawr dhacdo oo uu goob-joog u ahaa intii uu Marxuum Cigal ahaa Madaxweynaha Somaliland: Waa kuwan dhacdooyinkaasi.

 


1.Waxaan xasuustaa dastuurkan markii la samaynaayay waa ay fadhiyaan ragii soo curiyay qaybtii baarlamaanka oo Xuseen Axmed Caydiid iyo baa ka mid ah waa tii muranka badani ka kacay, Soodaaniguna waa kii qaybta kale sameeyay, kamuu caajisin kamuu hadhin muu ka niyad jabin hawshaas waa uu u dhabar adaygay, nasiib waxaan u yeeshay inaan gudidii xubina ka noqdo xog hayna aan u noqdo gudida oo waxii maalintaas la sameeyo aan u ururino, dastuurku. Waa wax aasaasi ah had iyo jeerna madaxdu waa ay ka feejigan tahay waxaan Alle la hortagayaa in aanu wax fariin ah iyo wax faro galin ah iyo wax tacliimin ah toona na siin ee uu nagu aaminay oo uu nagu karaameeyay,waa laga yaabaa inuu waxyaabaha qaarkood ka cadhoday markii danbe laakiin nagumuu soo faro galin, faraha ayuu nooga qaaday, dadka qaar ayaa yidhaahda isaga ayaa waxan samaystay muu samaysan, taas aniga ayaa Alle la hortagaaya aniga ayaa xoghayihii ahaa oo macluumaadka oo dhan hayay hawsha oo dhana qaybinaayay,wax fariin ah iyo wax tacliimaad ah oo nooga yimi ma jirin.”

 


Waxyaabaha kale ee aan ku xasuusto waxa ka mid ah xildhibaano golaha ka mid ah qaybtoodii ayaa keenay maamuus ka xayuubin, maamuus ka xayuubintu waa waxa ugu culus ee madaxweyne lagula kaco waa uu ka aamusay aniga ayaa markaas xilka hayay oo Qaybe waa uu maqnaa, walaa tilifoon walaa wax xidhiidh ah oo ah halkaad wax marinaysaan. Waxa igu maqaalo ah niman wasiiro ah oo yidhi miyaad hawshan gashid, waxa uu ku yidhi waar ninkaas hawsha u daaya hawshiisa waa uu garanayaaye, sidii ayay ku dhamaatay hawshiina waa la galay hawshii halkay ahayd ayaanu marinay wax alle iyo wax faro galin ah oo uu ku yeeshay may jirin baarlamaanka gudihiisa ayuunbay ku dhamaatay.”


Waxa kale oo aan xasuustaa shirkii Carta ayaa markii hore fikrada inagaa lahayn oo waxa inagu badatay hadalkii ahaa nimankan miyaad wax la qabtaan oo aad idinku qaadataan masuuliyada dib u heshiisiintooda oo inta iyaga dawlad loo dhiso aad la heshiisaan markaas iyaga, cid la’la heshiiyaa may jirin oo dawlad la’la hadlaa may jirin waxa ay ahaayeen jabhado iyo ururo, qandaraaskii si uu ku soo galayba dawlada Jabuuti ayaa qaadatay, waxa la soo diray wafti Talyaani ah oo ka booban niman baarlamaan ah oo dawlada Talyaani had iyo jeer waa dawlad wadaag ah oo asxaabta oo dhan ka kooban waxa hor kacaayay nin la yidhaahdo Shootiino oo ninkii Xamar garanaaya ayaa garanaayee Ilma Booni ku xidhnaa, qoyskii lahaa shirkadaha waaweyn oo aad isaga moodaba inuu wakiil ka yahay dawlada Xamar, habeenkii ayuu noo yeedhay oo casho ayuu guriga ku sameeyay, aniga,AHN Fagadhe oo wasiirka arimaha dibada ahaa, AHN Qaybe iyo madaxweynaheenii imika xilka ka fadhiistay ee Siilaanyo, halkiibay fariintii ay sideen keeneen oo ay yidhaahdeen shirkaas waa inaad tagtaan, hadalkii ayaa dheeraaday, sifada aanu ku tagaynaa waa maxay qolyahan Xamar ee la heshiisiinaayo anagu ma nihin, nimankaas cidna iskama hayno anagu; waxa la heshiisiinayaa waa iyaga, markaas ma waxaad na leedihiin shirka la guddoomiya dawlada Jabuuti ileen marti ma noqon karaynee, meeqaamka aanu ku tagaynaa waa maxay,waxa is hayn kari waayay ninkii safiirka ahaa ee aad moodaysay inuu dawlada Xamar wakiil ka yahay, kalmad ayaa afkiisa ka soo baxday oo waxa uu yidhi haddii aad shirkaas tagi waydaan waxa ka soo baxaaya waxaad qoomamayn doontaan, waa habeenkii ugu horaysay ee aan arkay isaga oo xanaaqay, indhaha ayuu kaga dhacay oo waxa uu ku yidhi ma waxaad noogu hanjbaysaan intaad dawlad yar oo macmal ah aad soo dhistaan oo soo hubaysaan ayaad naga hor keenaysaan, oo Siyaad Bare ayaad hub ku dal dasheen oo aad soo siiseene mee maanta, hubkiinii xaguu geeyay Siyaad Bare. Nimankii xildhibaanada ahaa ayaa ka xanaaqay hadalkii safiirkooda oo yidhi aamus markii uu aad u gubtay ayuu yidhi waar nimanka haygu eeginee hadla idinkuna, markaasaanu anaguna midkaayaba koone kaga dhuftay, taasna waan u soo joogay.”


Waxa kale oo aan u soo joogay waxa inoo yimi wafti Eratariyaan ah, fikrad ayay noola yimaadeen ay taariikhdooda ku saleeyeen EPRDF anaga ayaa samaynay markii aanu aragnay in aanay jabhada TPLF aanay dagaalka ay halkaas ka qaado aanay Addis Ababa ku tagayn Tigreega ayaanu jabhad u samaynay 1975, waxaanu soo siinay hub iyo ciidan, waxaanu kula heshiinay markay Itoobiya qabsadaan masiirkayaga, idinkuna waxaad samaysaan, maanta cid idinla mid ah oo Soomaali ah ma jirto ciidanbaad leedihiin koonfur ninkaad raacdaan ayaa ku guulaysanaaya, waxaanu idin leenahay caydiid taageera oo marka uu Caydiid koonfur qabsado sidii aanu qoladan kula heshiinay yeela, jawaabtii meel fogba kamuu doonin ee wuxuu yidhi oo aniga iyo Fagadhe( Wasiirkiisa dibada ) ayaad isku kaaya dirtay oo marka aan Caydiid raaco isaguna ku qasban inuu Cabdilaahi Yuusuf raaco oo dagaalkii dagaal qabiil ayuu noqonayaa.”


Itoobiya ayuu qas ka bilaabmay Intii Melas joogay oo niman madax ah ayaa inqilaab isku dayay oo siyaasiyiin ah, nin mukhaabaraadka joogay ayaa la dilay maalin ayuu isugu kaaya yeedhay intuu talada bidaayay,waanu garan waynay mawduuca, waxa uu yidhi waar meeshii qasbaa ka socda inaga oo halkan iska fadhinana maaha inay inagu burburto waa in aynu ogaanaa waxa ka socda meesha, dawladaha waaweyn ayaa sidaas u fakara in aynu ogaano Itoobiya yaa soo socda yaa hoos u socda si aynaan cid kaliyaata isugu wada dhiibin, waa in aynu ogaanaa siyaasada Itoobiya halkay marayso iyo halkay u socoto, wax aad iyo aad runtii nooga yaabiyay ayay ahayd.


Nin isla weyn muu ahayne nin marka uu khalad galo talada qaata oo marka aad tidhaahdo sidaas maaha kaa aqbala ee aan kaa cadhoon ayuu ahaa, mar ayaa waxa dhacday in ilaa sagaal wasiir ay kula taliyeen baarlamaanka kala dir siday imikaba dadka qaar yidhaahdaan baarlamaanka ha la kala diro habeenimadii ayuu ii yeedhay markaas oo uu igu yidhi sharcigu maxuu ka qabaa isaga oo isaguna og, siduu dastuurku lahaa ayaan u sheegay oo aan ku idhi sidaas iyo sidaas weeye markaas in afti la qaado weeye waa uu arkay markaas in aanay halkaas dhaafayn, waxa uu iga codsaday kalmadaasi yaanay adiga kaa bixin halkaas ayaynu ku daynaynaaye waa ay joogaan xildhibaanadii iga daba yimid ee barigii igu qabsaday ee yidhi maxaad u toosisay miyaad u daysid dabinka ha noo galee.

Waxa kale oo mujiso ah oo aanay dadku ogayn Siyaad Bare oo Xamar layskula soo dhawaaday oo dhiigu qulqulaayo oo aan cidnaba u naxayn oo maanafaysto waxii ku dhacay aad ogaydeen warqadii uu qoray ee caanka ahayd ee u ku lahaa xukunka ka dag oo jabhadaha ku wareeji isaga oo Xamar jooga oo ay dil ahayd, ninka kaliyaata ee siyaasi ah ee ku dhiiran lahaa maalintaas Siyaad Bare oo Jawhar loo soo jiro, xukunka iskaga dag oo jabhadaha ku wareeji yaanay meeshu burburine, maalintaasna waa uu u badheedhay oo rayigiisa lamuu gaban.”


Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaacil waxa uu hadalkiisa ku soo gunaaday”ninka siyaasiga ahi marka uu wakhgii uu ku haboonaa uu yimaado taarikhdu waa ay xustaa, raadbuu ka tagaa 19960-kii wakhti uu ku haboonaa ayuu yimi dawladnimadeenii sidaynu u doonan lahayn iyo halkaynu u mari lahayn ayuu galay, abaalkeedii se muu helin oo taariikhudu umay abaal gudin, dawladnimadii uu dhaliyay midhaheedii isaguna muu ka faa’idin inaguna kamaynu faa’idin ee xabsi ayuu ku mutaystay, tan 1993 alle waa uu ku guuleeyay wakhtigii ku haboonaa ayuu yimi midhaheediina waynagaa maanta guranayna, shaki waxa uu ku jiraa haddii aanu 1993-dii iman lahayn qaskii iyo wareerkii aynu ku jirnay hore ma uga bixi lahayn, mise kaas Xamar ragaadiyay ee ay wali ka bixi la’yihiin ee ay tiiha ku jiraan, kiisaynu gali lahayn. Ale ayaa og laakiin aniga waxay ila tahay wakhtigaas uu ku haboonaa ee uu yimi iyo dhabar adaygaas uu la yimi, haday tahay dastuurka,hubkadhigistii,ciidamadii oo intuba dhabar adayg u baahnaa alle ayaa ku guuleeyay midhaheediina waynagaas maanta guranayna markaas waxa haboon in lagu baraarugsanaado oo laysu sheego, nin Somaliland ku wayntahay oo ay la weyntahay ayuu ahaa oo ninba aan u daba fadhiisan. Meles Zenawi ayaa cid la xantay. Dawladiisa Itoobiya waa dawlad intaas leeg waa dawlad isu haysata inay masiirkeenaba gacanta ku haysato. Niman ayuu ku yidhi marka uu ii yimaado khudbad ayuu ii akhriyaa oo sidii inan yar oo carruur ah ayuu ii arkaa, Somalilandna halkaas ayay taagnayd, maantana waxa weeye in aynu Somaliland ku faro adaygno dabaylo badan ayaa mandaqada ka socda.”

 

 

 

 




Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip