Micheal Keating Oo Baaq Deg-deg Ah u Kala Direy Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Maamulka Puntland [AKHRISO]

0
Wednesday May 16, 2018 - 13:35:53 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Micheal Keating Oo Baaq Deg-deg Ah u Kala Direy Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Maamulka Puntland [AKHRISO]

    Hargeysa-(Caalami-News)-Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka qarxay agagaarka deegaanka Tuko-rraq ee Gobolka Sool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka qarxay agagaarka deegaanka Tuko-rraq ee Gobolka Sool.




Danjire Keating ayaa sheegay in codkiisa ku biirinayo baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in dagaalka si degdeg loo joojiyo, lana gaaro xabad joojin iyo heshiis siyaasadeed.

 


Waxaa uu sheegay in dagaal mar kale dib u bilowda uu xaalada uga sii dari karo, isla markaana uu ka dhalan karo barakac iyo xaalad bani’aadanimo.

 



Mr Keating ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland inay si degdeg u raadiyaan xal nabadeed oo laga gaadho khilaafkooda iyo kala duwanaanshadooda.

 

Hadalka Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmo ka hor uu Madaxda labada maamul uu la kulmay, kaddib markii uu booqasho ku tagay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

 

 




Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip