Qiimaha Shidaalka Oo Cirka Isku Shareerey Iyo Shiidaal Yaraan Ka Jirta Somaliland

0
Wednesday May 16, 2018 - 14:01:58 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimaha Shidaalka Oo Cirka Isku Shareerey Iyo Shiidaal Yaraan Ka Jirta Somaliland

    Hargeysa-(Caalami-News)-Xaaladda Shidaal la,aanta ah oo Kor Usii Kacday guud ahaan Magaalooyinka Somaliland, Kaddib Markii Maalmihii u danbeeyay uu Istaagay Shidaalkii Xumaa ee haamaha Lagasoo Dhaamin Jiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Xaaladda Shidaal la,aanta ah oo Kor Usii Kacday guud ahaan Magaalooyinka Somaliland, Kaddib Markii Maalmihii u danbeeyay uu Istaagay Shidaalkii Xumaa ee haamaha Lagasoo Dhaamin Jiray.






 

Kaalmaha Shidaalka ayaa Intooda badan Haawanayaan oo wax Shidaala ma hayaan,[ Patrol] marka laga reebo labo ama sadex kaalmood oo booyado shidaala ,patrol kasoo dhaansaday dalka jabuuti, inkastoo shidaalakaasi Qaali dhaafay oo halkii litir lagu Iibinayo hal doolar in ka badan oo u dhiganta 10,000 oo shilinka Somaliland.



 

Haddaba Illaa Iminka ma cadda waxa u Qorshaysan Masuuliyiinta Maamula haamaha Shidaalka berbera Maadaama aay Iyagu gacanta Ku hayaan Ishii Shidaalka ee qarankani lahaa, iyoSida Aay ka Yeelayaan Shidaalkii Xumaa oo wali Ku Jira Kaydka haamaha.


 

Wasaarada ganacsiga Somaliland Ayaa Iyaduna ka gaabisay Shaqadeedii waayo Xaalada Shidaal la,aanta lama Socotaba , Kumanaan Qof Ayaa Ku Shaqaysta Gaadiidka yar yar oo Masaariifta ka Hella , Hadii aay Shidaal waayaana waxaa Soo Food saari doonta shaqo la,aan Mushkilat Abuurta,

 


Xaalada Shidal la,aantu Halkii Ugu Saraysay ayaay maraysaa waxaanay dib Inoo xasuusinaysaa sanadaihii Dhowr iyo sagaashankii ee Shidaalka laga keeni Jiray jabuuti iyo Ethiopia, taas oo manta Sumcad ahaan qarankan Magac Xumo ku ah in Maanta Kaydkii haamaha shidaalku Xidhan yihiin oo Aan wax shidaala laga Dhaaminayn,

 


Dhanka kale Mana Jirto wax rajo Dhow ah oo Oo Masuuliyiinta Shirkadaha haysta Kaydka hamuhu u Sheegeen Shacabka in aay Keenayan shidaal nadiifa Maalamaha Soo Socda,

 

 




Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip