[Xog Hoose]:-Maxaa Ka Jira In Uu Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabi Doono Laba Mas'uul Midkood Wassaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ka Tirsan X.WADDANI? [Akhriso Magacyadooda]

0
Thursday May 17, 2018 - 11:16:23 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xog Hoose]:-Maxaa Ka Jira In Uu Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabi Doono Laba Mas'uul Midkood Wassaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ka Tirsan X.WADDANI? [Akhriso Magacyadooda]

    Hargeysa-(Caalami-News)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in is-bedel ku sameeyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada dhawaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in is-bedel ku sameeyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada dhawaan.





Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi uu saluugsan yahay qaar ka mid ah wassaaradaha dalka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wasaaradda arrimaha gudaha iyo wassaaraddo kale.



Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa in uu xilka wasaaradaasi uu magacaabayo wasiirkii labaad ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabo wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, oo haaatan ka mid ah saraakiisha xisbiga WADDANI.


Dhan kale xogo kale ayaa waxa ay sheegayaan in la filayo in wasaaradda arrimaha gudaha uu u magacaabo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, siyaasi Cabdillahi Xuseen Iiman (Cabdillahi Dirawal) oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, haatanna ka mid ah saraakiisha xisbiga WADDANI.

 

 

 


Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip