Duufaann Iyo Roobab Dabeylo Wata Oo Laga Cabsi Qabo Inay Ku Dhuftaan Gobollo Ka Mid Ah Somaliya

0
Thursday May 17, 2018 - 11:24:41 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duufaann Iyo Roobab Dabeylo Wata Oo Laga Cabsi Qabo Inay Ku Dhuftaan Gobollo Ka Mid Ah Somaliya

    Washington-(Caalami-News)-Xarun saadaasha hawada oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ka digeysa in saacadaha soo socda ay roobab dabeylo wato ka di'i-doonaan waqooyiga Soomaaliya iyo koonfurta Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington-(Caalami-News)-Xarun saadaasha hawada oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ka digeysa in saacadaha soo socda ay roobab dabeylo wato ka di'i-doonaan waqooyiga Soomaaliya iyo koonfurta Yemen.



Roobkan oo laga filayo inuu ku dhufto xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Boosaaso iyo magaalooyinka xeebta ah waxaa laga cabsi qabaa in uu dabeylo wato, isla markaana ay dad, guryo iyo hanti wax ku noqdaan.


Roobka la filayo waxaa lagu qiyaasay awooddiisa inta u dhaxeysa 50-100mm, waxaa uuna ku di’i-doonaa xeebaha teedsan Yemen iyo Soomaaliya, waxaana laga yaabaa inuu gaaro ilaa 250mm.



Dabeysha ayaa waxaa ay ka soo bilaaban-doontaa jaziiradda Socotra, waxaa ayna ku soo fidi-doontaa xeebaha waqooyiga Soomaaliya iyo Koonfurta Yemen.


Shacabka ku nool Boosaaso waxaa lagu qiyaasaa ilaa 165,000, waxaana lagu wargelinayaa in dabeyshan roobka wadata ay ka xoog badan tahay mid hore halkaasi uga dhacday 2013-kii.



 

 

 


Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip