Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladdda Somaliya Oo Haweenay Ku Dilay Magaalada Muqdisho

0
Thursday May 17, 2018 - 14:39:56 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladdda Somaliya Oo Haweenay Ku Dilay Magaalada Muqdisho

    Muqdisho-(Caalami-News)-Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa qof dumar ah wuxuu ku dilay Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijieen dadka xaafadda Ceel hindi ee degmada hawlwadaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa qof dumar ah wuxuu ku dilay Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijieen dadka xaafadda Ceel hindi ee degmada hawlwadaag.




Dhacdada dilka ayaa timid kadib markii xalay Magaalada Muqdisho laga maqlay dhawaqa wax u eeg hoobiyeyaal inkastoo markii dambe dowladda ay sheegtay inay ahaayeen baco qaraxyo dheemish ah lagu soo shubay.


Dadka reer muqdisho oo qal qalsanaa islamarkaana kala ordaayay ayaa haweenaydan iyo dad la socday oo ordaya waxa ay ka dul dhaceen guri askari illaalo ah uu hor fadhiyay oo ku yaalla dhabarka dambe ee Hotel Wehliye, gaar ahaan xaafadda Ceel hindi kadibna askarigii ayaa dadkaan rasaas ku furay.



Haweenay ka mid aheyd dadkii ordaayay ayaa halkaasi ku geeriyootay, waxaa kale oo dhaawac noqday nin ka mid ahaa dadkii ordaayay oo caloosha ay kaga dhacday xabada.


Maydka haweenayda ayaa meesha laga qaaday, sidoo kale waxaa halkaasi dhaawac ahaan looga qaaday ninkii xabada caloosha ay kaga dhacday.


Ciidamada dowladda ayaa xalay meelaha qaar dadka rasaas ku sii qal qalgelinaayay, xilli dadka ay ka naxsanaayeen dhawaqa waxa u eeg madaafiicda ee Magaalada laga maqlaayay.

Askariga dilka iyo dhaawaca gaystay ayaa ka baxsaday goobtii uu falkaasi ka gaystay.



 

 

 


Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip