Garoowe:-Madaxweyne Gaas Oo Iclaamiyey Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland Iyo Farriin Dagaal Kicin Ah Oo Uu Farey Shacabka Reer Puntland

0
Thursday May 17, 2018 - 11:30:35 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoowe:-Madaxweyne Gaas Oo Iclaamiyey Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland Iyo Farriin Dagaal Kicin Ah Oo Uu Farey Shacabka Reer Puntland

    Garoowe-(Caalami-News)-Madaxweynaha Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas oo saaka dib ugu laabtay Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe-(Caalami-News)-Madaxweynaha Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas oo saaka dib ugu laabtay Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay Magaaladaasi.





Gaas oo ka tagay Magaalada Baydhabo halkaaai oo uu kaga qayb galay shirkii Golaha iskaashiga Dowlad Goboledyada dalka ka jira ayaa markii uu tagay Magaalada Garowe wuxuu ka hadlay dagaalka deegaanka Tukaraq.


Madaxweynaha Puntland oo ay ka muuqato cadho fara badan ayaa sheegay dagaalka deegaanka Tukaraq inuu sii socon doono inta Puntland ay ka xureynayso deeganada ka maqan sida uu hadalka u dhigay.



Madaxweyne Gaas wuxuu daboolka ka qaaday in marnaba uusan istaagi doonin dagaalka inta deegaanada Sool ee gacanta Puntland ka maqan yihiin.


Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay dagaalo kala duwan ku dhexmareen labada dhinac.


Odayaasha dhaqanka Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay ku baaqeen in la joojiyo colaada ka soo cusboonatay deeganka Tukaraq ee Gobolka Sool.






 

 

 


Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip