3 Khudarood Oo Afurka U Wanaagsan W/Q: C/raxmaan Rashiid Dalmar.

0
Thursday May 24, 2018 - 23:51:11 in Arrimaha Bulshada
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3 Khudarood Oo Afurka U Wanaagsan W/Q: C/raxmaan Rashiid Dalmar.

    Walaalahayga soomanoow waxaan idin ku baraarujinayaa qaar ka mid ah khudaarteena hodanka ah oo haboon inaad ku afruto hadii aad hesho cafimaadkeenaan u fiican.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Walaalahayga soomanoow waxaan idin ku baraarujinayaa qaar ka mid ah khudaarteena hodanka ah oo haboon inaad ku afruto hadii aad hesho cafimaadkeenaan u fiican.


1.Muuska

Muusku wuxu ka koobanyahay 3 sonkorood oo kala ah Sugaros, Fractose iyo Glucose iyo waliba maadada loo yaqaano (fiber) ama gas waxayna dhamaantood ka qayb qaatan sidii Enerygy loo siin lahaa Jidhka.

2. Muusku wuxu dawo ka yahay isku Buuqa ama warwarka madax xanuunka leh, cunidiisa aad ayay u yaraysa sida ay sheegtay daraasad lagu sameeyay Maskaxda bani aadamka.

3. Muuska waxa ku jira Vitamin loo yaqaano B6 kaas oo caadi ka dhiga Glucoseta-ka ku jirta dhiiga dawana ka ah cudurka loo yaqaan PMS. Sida awgeed afurka ayuu u wanaagsan yahay hadad sharaabka samayso iyo hadaad sidisa u cuntaba.

 



2.Xabxabka ama qaraha

Qaraha ama Xabxabka waa midho aad faa'ido u leh jidhka, waa midhaha ugu biyaha badan inta la ogyahay, waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 92% in uu biyo maarmayn, saas oo ay tahayna waxaa ku jiro nafaqo kala duwan oo jidhku aanu ka maarmin kuwaas oo kala ah Vitamin A, B6, C, E iyo borotiinno kala duwan.
Waxaa kaloo xabxabka ku jiro macdanta bootaashiyamta oo unug walba oo jidhka ka mid ah uu u baahan yahay.
Qaraha kuma jiro wax dufan ah, wayna ku yartahay maadada karboohaydrayt-ka, sidaa awgeed waxa uu u wanaagsan yahay afurka qofka sooman.

3. shamaamka

Faa’iidooyinka Caafimaad ee uu leeyahay Shamaamku

1- iyada oo ay ku jirto Shamaamka shayo aad u badan oo Minerals ah sida Iron, Copper, Sulfur iyo Phosphorus, ayaa waxaa loo adeegsadaa daawaynta xanuunka dhiig la’aanta (Anemia).

2- iyada oo uu Shamaamku hodon ku yahay Maadooyinka Calcium iyo Phosphorus

3- Iyada oo ay ku Jirto Shamaamka Maadada Potassium, ayuu wuxuu gargaara Jilcinta iyo yaraynta Dacarta Caloosha ee dheeraadka ah.

4- waxa uu Shamaamku waxtar u leeyahay Xaaladaha Calool fadhiga (Constipation) iyo xanuunka Babaasiirta,

Wuxuu kale oo leeyahay faa’iidooyin kale oo badan, sida awgeed afurka ayuu u wanaagsan yahay.

 

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Suxufi madax banaan

Hargeysa somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip