Maxaad Ka Taqaanaa Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Ee Somaliya Loo Magacaabay?

0
Tuesday May 29, 2018 - 14:20:41 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaanaa Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Ee Somaliya Loo Magacaabay?

    Muqdiso-(Caalami-News)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, kaddib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii xilkaas hayay Ibraahim Iidle Suleymaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdiso-(Caalami-News)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, kaddib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii xilkaas hayay Ibraahim Iidle Suleymaan.




Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka soo jeeda Somaliland, isagoo xilal ka soo qabtay.



Waxaa uu horaantii sanadkan loo magacaabay Agaasimaha Fulinta Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani oo ka mid asxaabta siyaasadda Somaliland, hase ahaatee labo bilood kaddib ayuu iska casilay.

Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo noqday Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Somaliland.



Sidoo kale waxaa uu bishii ugu danbeysay uu ahaa La Taliyaha dhanka Sharciga ee Guddiga doorashooyinka Qaran ee Madaxa banaan.


Hargeysa-(Caalami-News)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, kaddib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii xilkaas hayay Ibraahim Iidle Suleymaan.

 


Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka soo jeeda Somaliland, isagoo xilal ka soo qabtay.

 


Waxaa uu horaantii sanadkan loo magacaabay Agaasimaha Fulinta Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani oo ka mid asxaabta siyaasadda Somaliland, hase ahaatee labo bilood kaddib ayuu iska casilay.

 

Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo noqday Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Somaliland.

 


Sidoo kale waxaa uu bishii ugu danbeysay uu ahaa La Taliyaha dhanka Sharciga ee Guddiga doorashooyinka Qaran ee Madaxa banaan.

 


Taariikhda waxbarasho.

 


Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qarreen iyo cilmi baadhe sharci.

 

Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha Garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

 

Waxay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado iyo hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

 


Sidoo kale, Waxa uu muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa Ururka Isu-tagga Qareennada Somaliland.

 

Gudoomiyaha cusub ayaa waxaa uu ka soo jeeda Somaliland , gaar ahaan magaalada Hargeysa , gaar ahaan deegaanka Sayla ee konfurta Hargeysa.



 

 

 


Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip