[Caalaminews/Staff]:-Qaar Ka Mid Ah Bacadlayaasha Suuqyada Hargeysa Oo Si Anshax Darro Ah Ula Dhaqma Haweenka Iibsanaya Dharka Ciidda

0
Sunday June 10, 2018 - 14:10:33 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Caalaminews/Staff]:-Qaar Ka Mid Ah Bacadlayaasha Suuqyada Hargeysa Oo Si Anshax Darro Ah Ula Dhaqma Haweenka Iibsanaya Dharka Ciidda

    Hargeysa-(Caalami-News)-Bacadlayaasha suuqyada magaalada Hargeysa ayaa waxaa dhibaatooyin badan kala kulma dadka wax ka iibsada,gaar ahaan haweenka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Bacadlayaasha suuqyada magaalada Hargeysa ayaa waxaa dhibaatooyin badan kala kulma dadka wax ka iibsada,gaar ahaan haweenka.





Dhallinyaro badan oo ka ganacsada iibinta dharka ayaa siyaabo kala duwan ula dhaqma dadka wax ka iibsanaya,kuwaasi oo aflagaado iyo gacan ka hadal kula kaca dadka wax ka iibsanaya.



Haweenka dhex maraya suuqyda ay bacadlayaashu ku xooggan yihiin ayaa waxay kala kulmaan waxyeellooyin badan,iyaga oo gacmaha ama dharka qabsada haweenka dhexmaraya bacadlayaasha.


Dhallinyaradan oo aan aqoon badan u lahayn sida wanaagsan ee dadka loola dhaqmo ayaa gacmaha ula taga haweenka dhex socda ama wax ka iibsada bacadlayaasha.


Laamaha ammaanka ee booliska Somaliland oo kaashanaya guddida wanaag farista iyo xumaan reebidda ayaa marar kala duwan wax ka qabtey dhibaatada ay dhallinyarada bacadlayaashukula kacaan haweenka wax ka iibasanaya ama dhex lugeeynaya,waxaana ay marar kala duwan xabsiyada dhigeen dhallinyaro gacmaha ula taga haweenka.


Geesta kale ciidamada ammaanka ayaa marar hore goobaha bacadlayaasha ku daadiya askar dhar cad ah,kuwaasi oo indho-indheeya dhallinyarada sida bilaa ixtiraamka ah ula dhaqma dadka wax ka iibsanaya ama dhex maraya.walow ay jiraan rag ka ganacsada bacadlayaasha oo dhaqan iyo akhlaaq wanaagsanba leh.


Ganacsatadaa sida fiican u ganacsata ayaa cabasho xooggan ka muujiya dhallinyarada gacmaha qabsata haweenka,taasi oo keeni karta inaaney cidiba u soo gelin suuqyada bacdlayaasha gudahaooda.


Si kastaba ha ahaatee in kasta oo ay maalmo kooban innaga xigaan maalintii ciidda Fidriga ayaa waxaa suuqyada waaweyn Somaliland buux dhaafiyey haween iyo ciyaal iibsanaya dharkii ciidda.



Waxaana ay dhibaatooyin badan oo qab-qabsi ah kala kulmaan dhallinyarada qaar ka ganacsada bacadlayaasha lagu iibiyo dharka ciidda.



Caalaminews/Staff Reporter

 

 

 

 

 

 

 

 

 




Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip