Xidhiidhka Kubbadda Cagta Adduunka Oo Ku Dhawaaqey Dalka Marti-gelin Doona Koobka Adduunka Ee Sannadka 2026-ka

0
Wednesday June 13, 2018 - 15:06:02 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhka Kubbadda Cagta Adduunka Oo Ku Dhawaaqey Dalka Marti-gelin Doona Koobka Adduunka Ee Sannadka 2026-ka

    Moscow-(Caalami-News)-FIFA ayaa maanta goor dhaweyd ku dhawaaqdey cidda martigalin doonta Koobka Adduunka ee 2026-ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moscow-(Caalami-News)-FIFA ayaa maanta goor dhaweyd ku dhawaaqdey cidda martigalin doonta Koobka Adduunka ee 2026-ka





Xidhiidhka kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqey cidda martigalin doonta Koobka Adduunka ee 2026-ka.

 


Maanta ayaa Waxaa tartamay dalalka Marooco iyo Maraykanka, Canada iyo Mexico oo iyaga si wada jir ah u martigaliya koobka.

 

Tartan dhacay kaddib Dalka Maraykanka, Canada iyo Mexico ayaa ku guulaystay in ay martigaliyaan Koobka Adduunka ee 2026ka, waxayna ka qaadeen dalka Marooco oo la tartamayay.



210 xubnood oo ka socday xidhiidhada hoos yimaada xidhiidhka kubadda cagta FIFA ayaa soo xaadiray shir weynahii maanta ka dhacay Moscow, afar ka mid ah kama qeyb gali karin codka maadaama ay ahaayeen kuwa loo codeynayay [Mexico, Canada, USA iyo Morocco] sidoo kalana waxaan codka ka qeyb galin jasiiradaha hoos yimaada dowlada Mareykanka sida: Guam, Puerto Rico, American Samoa and the US Virgin Islands.



Kaliya 15-ilbidhiqsi ayey ku qaadatay iney codkooda dhiibtaan, waxaana la isku raacay in qaaradda America dib loogu celiyo markaan koobka Aduunka iyadoo 2014 halkaas la geeyay balse markaan waa waqooyiga.

Waxey ka dhiganaan doontaa marka waqtigaas la gaadho in 32-sano kadib lagu qaban doono koobka Aduunka waqooyiga America maadaama sanadii 1994 ay martigaliyeen wadanka USA.

 

Koobka Aduunka 2026 waxaa la rajeynayaa in la ciyaaro 80-kulan iyadoo ay 48 wadan ka qeyb gali donaan sida qorshaha yahay.


SIDA CODADKA LOO KALA HELAY:

North America: 134-cod

Morocco: 65-cod




 


Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip