Xog Laga Helay Halka Lagu Hayo Gabadh u Dhalatay Dalka Jarmalka Oo Bil Kahor Muqdisho Laga Af-duubey

0
Thursday June 14, 2018 - 13:29:32 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Laga Helay Halka Lagu Hayo Gabadh u Dhalatay Dalka Jarmalka Oo Bil Kahor Muqdisho Laga Af-duubey

    Muqdisho-(Caalami-News)-Dabley hubeysan ayaa bil kahor magaalada Muqdisho waxa ay ka afduubteen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo ka howl galeysay xarun Hay'ada ICRC ku leedahay magaalada Muqdisho .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Dabley hubeysan ayaa bil kahor magaalada Muqdisho waxa ay ka afduubteen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo ka howl galeysay xarun Hay'ada ICRC ku leedahay magaalada Muqdisho .




Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dableyda Haweeneydaasi afduubtay ay geeyeen gobolka Mudug gaar ahaan meel ku dhaw Degmada Hobyo, waxaana Dableydan gabadha u afduuban ka doonayaan Madax furasho sida wararka soo baxaya sheegayaan.




Cali Aadan oo kamid ah Odayaasha Degmada Hobyo ayaa Warbaahinta u sheegay in koox hubeysan oo ku sugan meel 5-KM u jirta Degmada Hobyo ku heystaan Gabadha Jarmalka u dhalatay ee laga soo afduubtay magaalada Muqdisho.


Waxa uu sheegay Nabadoonka in Dableyda gabadhan afduubka u heysta ay joogaan dhul howd ah ayna halkaasi ku heystaan labo gaadhi oo Tikniko ah, waxa uuna intaa raaciyay in dableyda Hubeysan ay hada baadi goobayaan ciidamo ka yimid dhinaca Gaalkacyo.


Afduubka haweeneydan u shaqeyneysay Hay’ada ICRC ayaa 3-dii bishii May ka dhacay guri ay degnaayeen shaqaalaha Hay’ada ICRC oo kuyaala Laami yaraha Buulo Xuubey, waxaana afduubkaasi geestay nin kamid ahaa ilaalada gurigaasi.




Caalaminews/Hargeysa
info@caalaminews.com
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip