Nin Soomaali Ah Oo Ku Hubeysan Toorey Oo Labo Qof Ku Dhex-Dilay Masaajid Ku Yaala Magaalada Cape Town Ee Dalka Koonfur Afrika

0
Thursday June 14, 2018 - 13:15:54 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Soomaali Ah Oo Ku Hubeysan Toorey Oo Labo Qof Ku Dhex-Dilay Masaajid Ku Yaala Magaalada Cape Town Ee Dalka Koonfur Afrika

    Cape Town-(Caalami-News)-Wararka ka imanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in nin Soomaali ah oo toorey ku hubeysnaa xalay xiligii Salaada Taajudka la tukanayay labo qof ku dhax dilay gudaha Masjid kuyaala deegaanka Malmesb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cape Town-(Caalami-News)-Wararka ka imanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in nin Soomaali ah oo toorey ku hubeysnaa xalay xiligii Salaada Taajudka la tukanayay labo qof ku dhax dilay gudaha Masjid kuyaala deegaanka Malmesbury ee magaalada Cape Town.




Ninka Soomaaliga ah ayaa la sheegay in masjidka galay isaga oo wata toorey waxa uuna goobtaasi ku dilay labo qof oo kamid ahaa dadkii masjidka ku cibaadeesanayay halka uu dhaawac u geestay sadex qof oo kale.



Ciidamada booliiska oo si deg deg ah loogu yeedhey ayaa halkaasi ku dilay ninka Soomaaliga ah oo damacsanaa in uu dad kale dilo, waxaana labada qof uu ninkaasi dilay mid kamid ah uu ahaa Soomaali halka kan kalana uu ahaa South Afrikan.


Ehelada ninkan weerarka geestay ayaa ku waramay in Madaxa looga jiray ninkaasi, waxaana hada socda baaritaano ay ciidamada booliiska magaalada Cape Town ku sameenayaan weerarkan dhimashada sababay ee masjidka ka dhax dhacay.

Soomaalida kunool magaalada Cape Town ayaa aad uga argagaxay falkan ka dhax dhacay Masjidka kuyaala deegaanka Malmesbury, dhacdadan argagaxa leh ayaa maanta noqotay mid si weyn looga hadal hayo magaaladaasi .


Caalaminews/Hargeysa
info@caalaminews.com
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip