[War Deg-deg Ah]:-Wararkii Ugu Dambeeyey Mudaharaadyo Maanta Ka Istaadhmey Maanta Magaalada Laascaanood Ee Gobolka Sool

0
Thursday June 14, 2018 - 14:59:13 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Deg-deg Ah]:-Wararkii Ugu Dambeeyey Mudaharaadyo Maanta Ka Istaadhmey Maanta Magaalada Laascaanood Ee Gobolka Sool

    Laascaanood-(Caalami-News)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu halkaasi ka dhacay Mudaharaad, kaas oo ka danbeeyay ka dib markii ciidamada qaranka Somaliland gaadhi ay wateen uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanood-(Caalami-News)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu halkaasi ka dhacay Mudaharaad, kaas oo ka danbeeyay ka dib markii ciidamada qaranka Somaliland gaadhi ay wateen uu soo galay Magaaladda.




Ciidanka Saarnaa Baabuurkaasi ayaa damacsanaa in ay ka adeegtaan Suuqa Magaaladda Laascaanood, hasayeeshee dadka deegaanka ayaa shiid hadhka kaga dhigay, waxaana halkaasi ku dhaawacmay saddex dumar ah kadib markii ciiidanku rasaas kufureen dadka si ay ukala eryaan.



Rabashadahan ayaa sababay in albaabada loo laabo dhammaan xarumihii ganacsiga iyada oo lagu jiro maalmihii ugu dambaysay ee diyaar-garawga maalintii ciidda.


 
Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay dhinaca maamulka Magaaladda Laascaanood, waxaana dadkii halkaasi ay dhaawacyadu ka soo gaadheen loola cararay cusbitaalka ,halkaas oo iminka dhaawacooda lagu dabiibayo.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco wararkayaga dambe Caalaminews.com


Caalaminews/Hargeysa
info@caalaminews.com
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip