Maamulka Goboleedka Puntland Oo Ciidamo Badan Soo Dhoobey Xadka Dhinaca Somaliladn Una Soo Ruqaansadey Dhinaca Tuko-rraq

0
Thursday June 14, 2018 - 15:02:18 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Goboleedka Puntland Oo Ciidamo Badan Soo Dhoobey Xadka Dhinaca Somaliladn Una Soo Ruqaansadey Dhinaca Tuko-rraq

    Tuko-rraq-(Caalami-News)-Wararka laga helaayo deegaanka Tukaraq ee muddooyinkii dambe dagaalku ku dhex-maraayey dawladda Somaliland iyo Ciidammada Maamul-goballeedka ah ee Puntland, ayaa la soo sheegayaa in laga dareemayo dhaq-dhaaqyo ciidan oo aad u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuko-rraq-(Caalami-News)-Wararka laga helaayo deegaanka Tukaraq ee muddooyinkii dambe dagaalku ku dhex-maraayey dawladda Somaliland iyo Ciidammada Maamul-goballeedka ah ee Puntland, ayaa la soo sheegayaa in laga dareemayo dhaq-dhaaqyo ciidan oo aad u xooggan oo Maamulka Puntland ay ku qorsheynayaan siddii ay mar kale weerar ugu soo qaadi lahaayeen ciidamada jiida hore ee Somaliland.





Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in Maamulka Puntland ay qorsheeyeen dagaal ay maalmaha soo socda ku soo qaadan dhinaca Somaliland ka dib markii hore looggu jabiyey weeraro gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida hore. Waxaana ay wararku tilmaamayaan in dhaq-dhaqaaqyaddaas si weyn loogga wado meel ka mid ah gudaha Puntland iyo weli ba deegaanka Tukaraq iyaga oo sida la sheegay halkaas soo dhoobey ciidamo Maleeshiyaad ah oo tiro badan ku waasi oo ku gaashaaman hubabka noocyaddiisa kala duwan.



 
Maleeshiyaadka ciidamada ee Puntland, ayaa sidoo kale la sheegyaaa in ay u soo ruqaansadeen dhinaca Somaliland, taasi oo sababi karta sida oo kale na ay dadka deegaanku cabsi ka muujinayaan in dagaal uu mar kale isla toddobaadkan soo socda uu ka dhex-qarxo dawladda Somaliland iyo Maamulka nabad-diidka ah ee Puntland. Waxaana ay dadka deegaanaddaasi cabsi xoogga ka muujinayaan dagaalada dhex-maraaya Somaliland iyo Puntland oo saameyn xooggan ku yeeshay xaaladdoodii nololeed.


Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee Maamulka Puntland Md. Cabdi Xirsi Cali (Qar-jab) oo Warbaahinta la hadlay, ayaa muujiyey in dagaal ay mar kale ku soo qaadi karaan Somaliland, waxaana uu ku goodiyey in haddii aanay Somaliland iskaga bixin deegaanada gobalka Sool ay soo qaadayaan dagaal uu sheegay in ay ka dhalan karto khasaare ka badan kii ka dhashay dagaaladdii hore.


 

"Dagaalkii dhawaan ka dhacay Tukaraq waxa hore uga dhacay khasaare weyn oo labada dhinac ba ah, markaa haddii aanay Somaliland deg-dag uga bixin dhulkaas waxa mar kale ka dhici doona khasaare kii hore ka weyn, khasaarahaas na mas’uuliyaddeed waxa aduun iyo aakhiro ba qaadanaya ciddii dagaalka geysatay oo weerarka iyo hujuunka ba keentay oo weerarka bilowdey.”. Cabdi Xirsi Cali (Qar-jab)
ocdaan laakiin goballadoodii ayaa la rabaa in qori lagu qabsado.”.

Maleeshiyaadka Maamulka Puntland ee la sheegay in ay soo ruqaansadeen, ayaa wararku tilmaamayaan in ay ku soo dhow yihiin agagaarka deegaanka Tukaraq oo hore ay beesha caalamku uga codsatay in ay dib uga qaadaan ciidamaddooda. Lama na garanaayo illaa hada sababta keentay in mar kale ay dagaal ku baaqaan dawladda Puntland iyada oo la sheegay in dhex-dhexaadin ay qaramada midoobey ka waddo arrintaasi balse hada u muuqaneysa mid aan waxba ka bedalin dagaalkii ay ku baaqeen Maamulka Puntland.


Caalaminews/Hargeysa
info@caalaminews.com
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip