[MAQAAL]: Dagaalka Tukaraq Inama Khuseeyo…Guushiisa Iyo Guul-Darradiisana Madaxweynaha Ayaa Iska Leh

0
Tuesday June 19, 2018 - 14:51:39 in Arrimaha Bulshada by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [MAQAAL]: Dagaalka Tukaraq Inama Khuseeyo…Guushiisa Iyo Guul-Darradiisana Madaxweynaha Ayaa Iska Leh

    Hargaysa-Caalaminews:- Ugu Horrayn Dagaalkani waa mid leh sifooyinkan: 1. Ma aha Mid Xaq ah diin ahaan. 2. Ma aha Dagaal laga gaadhaayo dan muddada dhaw iyo ta dheer ..Marka laga eego danta Qaranka. 3. Dagaalku Waa mid ay dan gaar ahi ugu jirto Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa-Caalaminews:- Ugu Horrayn Dagaalkani waa mid leh sifooyinkan: 1. Ma aha Mid Xaq ah diin ahaan. 2. Ma aha Dagaal laga gaadhaayo dan muddada dhaw iyo ta dheer ..Marka laga eego danta Qaranka. 3. Dagaalku Waa mid ay dan gaar ahi ugu jirto Madaxweyne Muuse Biixi Marka laga eego dhinaca siyaasada Kursiga (Politics) , taasoo fasiraysa ku dhiiranaanta weyn ee dagaalkan ama waa mid uu u geynaayo Jahli aad u weyn. Aan Sababeeyo qodobadan:

1- Ma Aha Dagaal Xaq ah Diin Ahaan


Qodobkan waxa aad uga hadlay culimada waawayn ee dalka oo uu ugu horreeyo sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir iyo sh. Cali Warsame, kuwaasoo si cad u sheegay in ilaalinta xuduudu aanay qofka muslinka ah qiil u siinayn inuu daadiyo dhiig qof kale oo muslim ah.


Iyadoo Diinta Islaamku ay xuduud beenaadka ay dawladuhu samaystaan u arka wax aan qiimo iskeed u lahayn, laakiin uu qiimo yeelan karo haddii ay dadku iyo dacaladu ku heshiiyaan, haddii heshiiskaasina la waayo xuduudu ma noqon karto wax loo dagaalami karo oo loo goyn karo xidhiidh ka weyn oo ah Xidhiidhka Islaamnimo.



Dhulkana sideedaba diinta Islaamku uma aragto mid ay cid gaar ah yeelan karto, haddii ay tahay dawlad iyo qofba, balse qofka iyo dawladu waxay yeelan karaan waxa ay dhulka ka dul samaystaan, sida dhismayaasha, beeraha, warshadaha….iwm.


Markaa Xukuumada Mud; Muuse Biixi Tukaraq iyo xuduudka ay sheegayso kama difaacayso waxqabad ay ka fulisay xukuumadani ama xukuumadihii ka horreeyay, maamulka Puntland waa la mid, balse labadooduba waxay doonayaan dhul ay iska qabsadaan oo qudha, iyadoo labada dacal-ba lagu tijaabiyay maamulka dhulkaasi ka tirsan gobolka Sool, taasoo ay tijaabadu marag ka ahayd in labada maamul aanay u haynin dan balse ay ka tahay dhul qabsasho oo kaliya, in kastoo Dawlada Somaliland ay kaga wax qabad badnayd Puntland marka laga eego dhinaca horumarinta deegaanadaasi.

Aan soo bandhigo hal su’aal oo cilmi iyo caqliba ku salaysan oo si aan shaki lahayn u cadaynaysa in dagaalkaasi yahay mid xaq ah iyo in kale, waana tan su’aashu: (labada dacal ee ku dagaalamaaya ma waxay hayaan miisaaniyad ay ku fuliyaan mashaariic horumarineed ama ay ku ilaashanayaan mashaariic horumarineed oo ay hore u fuliyeen, oo dacalka kale ka hortaagan yahay???)


Dabcan jawaabta cadi waxay tahay in labada dacalba ay wadaan dhul qabsasho aan ka duwanayn isku qabsashada baloodhada magaalooyinka dhexdeeda.


Qof ayaa odhan kara (xuduudaha miyaanad aqoonsanayn???

Su’aashan qofka la yimaada, ama isagoo og ama isagoo aan ogayn waxa ku dabaqmaysa odhaahdii laga yidhi reer Banuu Israa’iil (تقرأ آية وتنسى آية) oo macneheedu tahay (Aayad-na waad akhrinaysaa, Aayadna waad Ilaabaysaa).


Arrimaha Xuduuduhu waa arrin la xidhiidha sharciga caalamiga ah (International Law), marka laga hadlaayo sharciga caalamiga ahna waxa laga hadlayaa laba qaybood: 1. Xeerarka qoran oo ah shuruuc ay kala qorteen laba dal iyo wax ka badan, 2. Cida Fulinaysa oo ah Qaramada Midoobay iyo hayadeheeda iyo ururada ay dalalku ku midoobaan.


Haddaba marka la eego sharciga caalamiga siiba cahdiga Midawga Afrika, waxaynu arkaynaa inay ka dhigayso xuduudihii uu ka tagay gumaysigu ta asaaska u ah furdaaminta is qabsi walba.

Sidoo kale waxaynu arkaynaa in xuduudaha dawladeed ee meel kasta ka diiwaangashan ay ku jirto dawlad la yidhaahdo Somalia balse aanay ku jirin dawlad la yidhaahdo Somaliland oo iyadu 4 maalmood jirtay 1960-kii.


Markaa haddii xuduud laga hadlaayo maxaa xuduudka Somaliland ka dhigaaya kuwo jira, Xuduuda Dawladii Somalia-yana ee dhalatay 2/July/1960 ka dhigaaya mid aan jirin???


Qof ayaa laga yaabaa inuu jawaabo oo uu yidhaahdo Xuduuda Somaliland waa kuwo ku yimid rabitaan shacbi 1991-kii iyo afti guud 2001-dii, taasoo caddaysay in laga go’ay dawladii Somalia, markaana Su’aal kale ayaa imanaysa (Inay dawladi dawlad kale ka go’daa ama la midawdaa ma wuxuu ku yimaadaa tallaabo uu qaado dhinac qudha? Mise dacalka 2aad isna tallaabooyin ayaa la gudboon?)


Tusaale: Markii ay Somaliland midnimada la raadsanaysay Somalia, waxa Magaalada Hargeysa uu barlamaanku ku ansixiyay 1960-kii sharciga midnimada (Act of Union), iyadoo uu barlamaanku ahaa awooda sharci ee ugu sarraysa dalka wakhtigaasi, laakiin ansixinta sharcigaasi miyuu ku filnaa inay midnimo laba dawladood ka dhalato??? Jawaabta cadi waa maya, oo waxay u baahnaatay tallaabo kale oo dhinaca Somalia si ay u dhamaystirmato midnimadu, taasoo dhacday Bishii Julay isla 1960-kii.


Markaa Somaliland iyo xuduudeheedu waa kuwo ay iskeed iskaga dhawaaqday, laakiin wax qiimo ah ma laha marka laga eego shuruucda caalamiga ah, ilaa is-fahan lala gaadhaayo dhinicii kale ee midnimada kula jiray Somaliland oo ah Somalia.

Markaa haddii xuduud sharci ah laga hadlaayo, waxa xuduud sharci ah noqonaaya ee difaacideedu waajib noqonayso waa xuduuda Dawladii Somalia ee dhalatay 2/July/1960-kii.

2 – Ma aha Dagaal ku mid laga gaadhaayo dan muddada dhaw iyo ta dheer ..Marka laga eego danta Qaranka

 

Dooda Xukuumada Muuse Biixi ee ah ilaalinta xuduuduna waa mid waxyeelo ku noqonaysa Somaliland muddada dhaw.

Maadaama arrinta qudha ee ay cuskanayso Xukuumada Somaliland ay tahay sharciga caalamiga ah, iyadoo aynu qaybtii hore ku caddaynay in sharciga caalamiga ah iyo hayadaha fulinaayaba ay aqoonsan yihiin oo qudha xuduudaha dawlada Somalia, taasoo dhabar jab ku ah xukuumada Somaliland.

Waxana suuragal ah in haddii uu dagaalku dheeraado in ciidamo nabad ilaalin ah oo la mid ah kuwa jooga Muqdisho in la keeno goobaha lagu dagaalamaayo, iyadoo ay keeni doonto dawlada ay caalamku aqoonsan yihiin ee Somalia, taasina waxay meesha gabi ahaan ka saaraysaa Dawlada Somaliland.


Ma hubo ujeedada dhabta ah ee ku kalifaysa madaxweynaha inuu ku cel-celiyo dooda xuduudaha ee ku salaysan sharciga caalamiga ah inay ka tahay jahli iyo inay ka tahay khiyaamo qaran, balse waxaan hubaa in arrintaasi muddada dhaw iyo ta dheer ay dhib u keenayso Somaliland.

Dhinaca kale ee waxyeelada ka dhigaysa dagaalkani waxay tahay inay ciidamada JSL ay ku baaba’ayaan haddii muddada dagaalku sii dheeraado, iyadoo la hubo inuu dagaalku dheeraanaayo, maadaama aanuu maamulka Puntland lahayn awood ciidan oo ay iskaga caabiyaan ciidamada Somaliland ee sida weyn uga xooga badan, taasina waxay ku kalifaysaa Puntland inay gasho dagaal dheer sida ay ku dhawaaqeen, dagaalka dheerina maaha mid uu u adkaysan karo ciidan kasta oo nidaamsan, iyadoo ciidanka Maraykanka ee ugu adag dunida uu adkaysan kari waayay dagaalada dhaadheer ee ku qabsaday wadamada Vietnam, Ciraq iyo Afghanistan.


Waxa kale oo xusid mudan in dagaalku uu yahay meel lacag badani ku baxdo, taasina ay curyaaminayso qorshe kasta oo horumarineed oo ay xukuumadu qaban lahayd.


3- Dagaalku Waa mid ay dan gaar ahi ugu jirto Madaxweyne Muuse Biixi Marka laga eego dhinaca siyaasada Kursiga (Politics) , taasoo fasiraysa ku dhiiranaanta weyn ee dagaalkan ama waa mid uu u geynaayo Jahli aad u weyn.


Cilmiga siyaasada waxa jira laba shay oo kala duwan oo kala ah (Politics) oo ah siyaasada kursiga, hadday tahay sida loo gaadho iyo sida loo sii haysto, iyo (Policies) oo ah qorshayaasha waxqabad ee siyaasigu u qabanaayo dadka uu xilka u hayo.


Sidaa awgeed waxaynu halkan kaga hadlaynaa danaha siyaasadeed ee cidhiidhiga ah ee ku kooban cida kursiga haysa.

"Taariikhda ayaa ah macalinka ugu weyn ee siyaasada” sida uu sheegay Rayiisal-Wasaarihii hore ee Ingiriika Winston Churchill, markaa haddii aynu eegno taariikhda waxaynu arkaynaa in inta badan hogaamiyaasha ku dhiirada inay dagaalo qaadaan ay yihiin laba nooc midkood:


1.Hogaamiyaal Doonaaya inay kali-talis noqdaan.

2.Hogaamiyaal ku fashilmay horumarinta nolosha dadka.


Labada qaybood haddii aad u fiirsatid waxaad arkaysaa inay labaduba ka soo maaxanayaan Cabsi, oo ku dhiiranaanta dagaalku maaha astaan geesinimo sida ay dad badani moodayaan, balse waxay astaan u tahay inuu qofku cabsanaayo, sidaa awgeed uu ugu dag-dagaayo dagaalka oo ah xaalad hal mar qofka dhaafaysa, si uu uga gudbo xaalada shaqada joogtada ah ee tirada badan ee wakhti dheer qaadanaysa.

Ilaa shan iyo tobankii sanno ee ugu dambeeyay waxa shacabka Somaliland gaadhay wakhti uu ka fikiri karo horumar, laakiin nidaamkeena dawladeed maaha mid arrintaasi u dhisan oo u qaabaysan, balse waa nidaam siyaasadeed oo loogu talo-galay in xasaradda lagaga mashquuliyo dadka nolosha ka saaqiday si ay siyaasiyiin uga noqdaan nidaamkan si ay dhibta uga daayaan dadka kale ee nolosha guusha ka gaadhi kara, sidaa awgeed waxa sannado hore dadwaynaha lagaga mashquuliyay horumarinta waxa loogu yeedho (Doorashooyinka), laakiin taasi waxay noqotay mid aanuu shacabku u haynin wakhtigan dha-dhan badan.


Sidaa awgeed xalka ugu fiican ee hogaamiye kasta oo Somaliland jooga maanta ama berrito hortaalla waxay tahay inuu dadwaynaha ku mashquuliyo xaalad dagaal, hadday tahay dagaal cadaw ama dagaal aafooyin dabiici ah, si ay u ilaabaan horumarinta qaybaha nolosha inteeda kale.

Tusaale kooban: Madaxweyne Muuse biixi oo in ka badan 7 bilood xilka hayay, haddii aanuu ku jiri lahayn xaalad dagaal, dareenka shacabka ee xukuumadiisa ku jihaysan sidee ayuu noqon lahaa??? Maadaama aanuu nolosha shacabka waxbaba iska badalin.

Qof ayaa odhan kara maxaad caddayn u haysaa in Madaxweynuhu xiisaynaayo dagaalka , jawaabtuna way fududahay, waxa qof walba caddayn ugu filan hadalka Madaxwenaha ee is-dhaafsiisan sida kuwan oo kale:

1.(Annagu xadka isticmaarku dhigay ayaanu doonaynaa in aanu gaadhno).

2.(Tukaraq marka la joogo wali xadka isticmaarku dhigay waxa ka hadhay ilaa 70 km).

3.(Xadka inta hadhay waxaanu ku gaadhaynaa wada hadal).

4.(Tukaraq Ciidanka ka soo bixi maayo).


Intaas oo hadal isku-gee waxa kaaga soo baxaaya in Madaxweyne Muuse Biixi uu ugu talo-galay dagaal dheeraada, in kastoo erayga (dagaal dheeraada) uu dhawaaqeedu ka yimid dhinaca Puntland, laakiin xaqiiqadeedu waxay tahay in doonista dagaalka dheeri uu yaallo madaxtooyada Somaliland.


Haddii aad cadaymo dheeraad ah aad doonaysid, is waydii su’aalahan:

1.Xuduudka Somaliland ma Tukaraq-baa?

2.Maxay ciidamadu ilaa dhamaadka xadka u gaadhi waayeen, haddii uu hadafku yahay xad?

3.Haddii hadafku aanuu xad ahayn maxay ciidamadu is-kaga soo noqon waayeen goobohoodii hore?

4.Haddii gobolka Sool gabigiisuba ka baxo gacanta Somaliland, waa maxay dhibaatada dhabta ah ee ka soo gaadhaysa Somaliland?


5.Xilligii ay Somaliland ugu magaca waynayd oo ah 2004 – 2006-dii, xilligii uu Madaxweyne Rayaale uu ku casuunaa Baarlamaanka Ingiriiska, isla markaana uu la kulmay hogaamiyaasha qaarada Afrika intooda badan, miyaanuu gobolka Sool gabi ahaan ka maqnayn Somaliland ilaa xaruunta gobolkaasi ee Laascaanood?

6.Haddiiba uu madaxweynuhu Doonaayo inuu is-fahan ku gaadho xuduudka inta dhiman ee ah 70km, muxuu Tukaraq-na iyadana uu is-fahan ugu gaadhi waayay?? Oo uu iyada uga doortay inuu awood ciidan u adeegsado???


Xaqiiqadu waxay tahay in madaxweynuhu uu xiisaynaayo xaalad dagaal oo joogta ah oo halkaasi ka sii socda, oo xita haddii ay Puntland ogolaato in Somaliland ay wada gaadho xuduudii Ingiriisku dhigay haddana madaxtooyadu waxay isku dayaysaa in xaalada dagaal aanay meesha ka wada bixin.


Faa’iidada ugu weyn ee ugu jirta xukuumada in dagaalku dheeraado waxay tahay in ay meesha ka saarayso daba-galka dadwaynaha iyo codsiyadooda ku saabsan horumarinta, taasoo u fudaydinaysa inay ku kacdo musuq-maasuq ka badan kii xukuumadii ka horraysay ku kacday, waxayna ka dul-qaadaysaa madax-xanuunka uu leeyahay la xisaabtanku ku saabsan qorshayaasha horumarineed ee ay hore u ballan qaaday.

Laakiin (si walba badane) haddaynu Dhinaca kale ka eegno Malaga yaabaa inay xukuumaddu jaahilnimo u geysay hurinta dagaalkan? Waa suuragal, in kastoo suuragalnimadeedu ay ka yar tahay ta hore ee ah inay xukuumadu xiisaynayso dagaalka.

Laakiin kaba soo qaad inay jaahilnimo u geysay, oo ay si khaldan u akhriday xaalada mandaqada ee is badashay, iyadoo ay taasi cadaan doonto haddii ay xukuumadu qaadato go’aan ah inay dib uga noqoto Tukaraq ee uu madaxweynuhu in badan ku cel-celiyay in aan laga baxayn, hadday taasina dhacdana waxay xaqiijinaysaa in xukuumadani aanay kalsooni u qalmin, maadaama go’aamadeeda aan ka fiirsiga lahayni ay keenayso inay ilaa heerkaasi ay dalka dhib weyn u galiso.


Sida ay doontaba ha ahaatee, in xukuumadu dagaalka xiisayso waa arrin loo garaabi karo, laakiin waxa aad ka naxaysaa dadka xaabada u ah dagaalka ee moodaaya inay arrin fiican samaynayaan, kuwaasoo ay ugu horreeyaan askarta ciidanka Qaranka ee hore-na ugu dulmanaa qaranka, kuwaasoo qaadanaayay $70 iyadoo uu wasiiradu ay wataan gawaadhi $65,000, ayaa haddana laga codsanayaa inay u dhintaan damac siyaasi ah oo kooban, isla markaana ay aakhiradooda u badheedhaan dambi iyo cadaab, kaliya si ay u raali-galiyaan hunguri aan dhammaanayn, iyadoo ay askarta cibro ugu filan tahay askartii dhawaan ka dhimatay qaabka hogaankeena musuq-maasuqa ku salaysani uu ula dhaqmay qoyskiisii iyo dadkii uu ka tagay, taasoo askariga in uun caqligiisa adeegsanaaya u cadaynaysaa in dagaalkaasi yahay (aduun iyo aakhiro seeg), wakhti dhawna marka ay xaalada dagaal yara dagto, ayaa la odhan doonaa dadka aad maanta la dagaalamaysid waa walaaladeen, sidii hore-ba uga dhici jirtay dagaalada sokeeye.


Qolada 2aad ee dagaalkan xaabada u ah waa dadwaynaha laga codsanaayo inay lacag iska ururiyaan si ay ugu caawiyaan ciidanka.

Laakiin danqashada waxa kaa baabiinaaya marka aad xasuusatid maah-maahda Soomaaliga ah ee tidhaahda (Lax Waliba halka ay is-dhigto ayaa lagu gawracaa), taasoo macneheedu tahay in qof walba uu helaayo waxa uu u qalmo, mar walbana waxa jiraaya dad wanaaga loogu talo-galay iyo dad mar kasta xumaanta xaabo u noqda.

Ilaahay SWT waxaan ka baryayaa inuu inaga dhigo kuwa khayrka ka shaqeeya ee isku kaashada, isla markaana uu inaga duwo dhibta dadka sharka u shaqeeya …. Aamiin.

 

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

abuabdala15@gmail.com

 


 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip