[Halkan Ka Daawo]:-Qaabkii Loo Saarey Xalay Calanka Somaliland Ee Xuska 26-ka June

0
Tuesday June 26, 2018 - 15:24:36 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Halkan Ka Daawo]:-Qaabkii Loo Saarey Xalay Calanka Somaliland Ee Xuska 26-ka June

    Hargeysa-(Caalami-News)-Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay 26-kii June 1960-kii oo ku beegan markii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay xarunta qasriga mada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay 26-kii June 1960-kii oo ku beegan markii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.





Munaasibaddan oo lagu qabtay barxadda qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa kasoo qayb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii dalka Soo maray Safiirrada waddamada, Itoobiya, Jabuuti iyo turkiga u fadhiya Somaliland, madax iyo diblomaasiyiin ka socota midowga reer Yurub Ingiriiska iyo qaramada midoobay, xubno kamid ah goleyaasha kala duwan ee qaranka, hoggaanka axsaabta qaranka, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay maalintani leedahay iyo sida ay ugu weyn tahay guud ahaanba ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 




Xubno magac, miisaan iyo milgeba ku leh bulshada reer Somaliland oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, Oday Maxamuud Aadan Dheri, marwo Adna Aadan Ismaaciil, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga UCID, Mudane Cabdinaasir Maxamuud Buun, Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-ganey) oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraadya heerarkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, dhibaatooyinkii caddaalad-darradu hagaysay ee ku kallifay inay dib uga noqoto midnimadii ay Soomaaliya la gashay iyo horumarka ay ku tallaabsatay, waxaana ay si isku mid ah hoosta uga xarriiqeen inaanay cidina hor istaagi Karin guulaha ay Somaliland ku tallaabsatay.

 




 

 

 

Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip