[WARBIXIN]:-Argentina Vs France, Portugal Vs Uruguay- Isku Aadka Wareega 16-ka Xul Qaran Ee Koobka Aduunka, Wakhtiga La Ciyaari Doono Iyo Xulalka Wali Soo Kala Bixi Doona

0
Wednesday June 27, 2018 - 15:19:53 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [WARBIXIN]:-Argentina Vs France, Portugal Vs Uruguay- Isku Aadka Wareega 16-ka Xul Qaran Ee Koobka Aduunka, Wakhtiga La Ciyaari Doono Iyo Xulalka Wali Soo Kala Bixi Doona

    Moscow-(Caalami-News)-Wareegii ugu danbeeyay heerka groupyada koobka aduunka ayaa dhexda looga jiraa iyada oo la soo gaba gabeeyay kulamadii wareega saddexaad ee Group A, Group B, Group C iyo Group D, waxaana sidoo kale oo barri iyo habeen danbe la s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moscow-(Caalami-News)-Wareegii ugu danbeeyay heerka groupyada koobka aduunka ayaa dhexda looga jiraa iyada oo la soo gaba gabeeyay kulamadii wareega saddexaad ee Group A, Group B, Group C iyo Group D, waxaana sidoo kale oo barri iyo habeen danbe la soo gaba gabayn doonaa Group E iyo Groud F iyada oo markaas lagu dhawaan doono in la ogaado liiska xulalka wareega 16ka koobka aduunka iskugu soo hadhi doonta intooda ugu badan.






Haddaba waxaa suurtogal ah in marar badan ayna akhristayaasha si buuxda ugu kala cadayn xulalka ilaa hadda soo gudbay kuwa hadhay iyo xogta kulamada wareega 16ka xul si la mid ah waqtiga la ciyaari doono, sidaa daraadeed, waxaanu halkan idiinku soo koobnay xogta kulamada hadhay, kuwa soo baxay iyo waliba kulamada soo socda ee lagu kala bixi doono.

Ilaa hadda waxaa koobka aduunka wareegiisa 16ka xul qaran u soo gudbay 8 wadan oo kala ahRussia, Uruguay, France, Croatia, Belgium, England, Argentina iyo Denmark laakiin 12 xul oo kale ayaa gabi ahaanba laga cidibtiray koobka aduunka kuwaas oo kala ahEgypt, Saudi Arabia, Morocco, Peru, Costa Rica, Tunisia, Panama, Poland, Iceland, Nigeria, Australia.




Iyada oo aan wali la soo gaba gabayn Groupyada C ilaa H waxaa hadhsan 8 xul qaran oo ka mid ah kualmada soo socda ee dagaalku ka sii socon doono iyada oo ay jiraan groupyo aan wali la ogayn xulalka ka soo bixi doona.

Haddaba halkan kaga bogo xogta qaabkii ilaa hadda loogu soo kala baxay Groupyada koobka aduunka iyo kuwa hadhsan ee kulamada saddexaad la ciyaari doono.


Group A Oo Lagu Kala Baxay:

Kulamadii wareega saddexaad ee Group A ayaa la soo gabagabeeyay taas oo la micno ah in xulalka qaramada Uruguay iyo Russia ay soo baxeen iyada oo waliba Uruguay uu noqday xulkii ugu horeeyay ee guulo boqolkiiba boql ah ku soo gudbay laakiin Masar iyo Saudi Araba ayaa cawda loo jaray.


Waxaa Soo Baxay:Uruguay & Russia

Waxaa Hadhay:Saudi Arabia & Egypt

Group B Oo Lagu Kala Baxay:

Kulamadii wareega saddexaad ee Group B oo ahaa kuwo xamaasad badan waxaa ku soo gudbay Spain iyo Portugal iyada oo labada kulanba ay barbaro ku dhamaadeen laakiin Spain oo caawin ka heshay Iran ayaa kaalinta kowaad ku soo bxday halka Morocco iyo Iran ay hadheen.

Waxaa Soo Baxay:Spain & Portugal

Waxaa Hadhay:Morocco & Iran


Group C Oo Maanta Lagu Kala Baxay.

Xulka qaranka France ayaa barbaro la galay Denmark waxayna taasi ka caawisay in Denmark ay u soo gudubtay wareega xiga halka France ay kaalinta kowaad kaga soo baxeen Group C laakiin Australia iyo Peru ayaa gabi ahaanba tartankan laga reebay.

Waxaa Soo Baxay:France & Denmark

Waxaa Hadhay:Australia iyo Peru

Group DOo Caawa Si Buuxda Loogu Kala Baxay.

Xulka qaranka Argentina ayaa si layaableh uga soo gudbay musiibadii ay ku soo jireen kadib markii ay daqiiqadii 86 aad ka guulaysteen Nigeria oo talaabo u jirtay in ay u soo baxdo wareega 16ka xul laakiin iyada oo hore Croatia u soo baxsanayd waxay xaqiijisatay booska kaalinta kowaad waxaana kaalinta labaad ku soo baxay Argentina iyada oo Iceland iyo Nigeria ay hadheen.

Waxaa Soo Baxay:Croatia & Argentina

Waxaa Hadhay:Nigiera & Iceland

Group E Oo Aan Wali Xulna Ka Soo Bixin:

Group E waxa uu ka mid yahay groupyada maalinta ugu danbaysa lagu kala baxayo laakiin Brazil ayaa kulanka Serbia uga baahan barbaro kaliya si ay wareega xidiga ugu soo baxdo waxayna sidoo kale doonayaan in ay kaalinta kowaad kaga soo baxaan group E laakiin Serbia iyo Switzerland ayaa dagaala ugu wayn ugu jira in ay soo gudbaan.

Kulamada Hadhsan:Serbia v Brazil, Switzerland v Costa Rica


Group FOo Aan Wali Xulna Ka Soo Bixin:

Sidoo kale Group F waxa uu sugayaa kulamada wareega saddexaad ee ugu danbeeya laakiin Mexico ayaa u baahan kaliya in ay barbaro la gasho Sweden si ay wareega 16ka xul ee koobka aduuka ugu soo baxaan laakiin waxa uu dagaalka uu wayni dhex mari doonaa Germany oo South Korea oo hadhay la ciyaari doona iyo Sweden oo u baahan in ay natiijo fiican ka hesho Mexico.

Kulamada Hadhsan:South Korea v Germany, Mexico v Sweden

Group G Oo Xili Horeba Lagu Kala Tagay.

Group G waxa uu ahaa kan ugu sahlanaa marka loo eego qaabka loogu kala baxay iyada oo Belgium iyo England ay min laba guulood oo xidhiidh ah gaadheen taas oo wareega xidiga u soo saartay laakiin kulankooda waxay ku tartami doonaan kaalinta kowaad.

Waxaa Soo Baxay:England & Belgium

Waxaa Hadhay:Panama & Tunisia

Kulamada Hadhsan:England v Belgium, Panama v Tunisia

Group H Oo Kulamada Ugu Danbeeya Lagu Kala Bixi Doono:

Ugu danbayn Group H waxa uu ka mid yahay saddexda group ee aan wali lagu kala bixin balse la kala fursad wayn yahay iyada oo xulka Japan uu barbaro kaliya uga baahan yahay kulanka Poland iyada oo xulka Poland uu haddaba koobka aduunka ka hadhay laakiin Senegal iyo Colombia ayuu dagaalka ugu wayni ka dhex dhici doonaa iyada oo midkii guulaystaa uu soo bixi doono halka Senegal ay barbaro kaliya u baahan tahay si ay u soo gudbi karto.

Kulamada Hadhsan:Japan v Poland, Senegal v Colombia

Xulalka Wareega 16ka Koobka Aduunka U Soo Gudbay:Russia, Uruguay, France, Croatia, Belgium iyo England

Xulalka Heerka Groupyada Ku Hadhay:Egypt, Saudi Arabia, Morocco, Peru, Costa Rica, Tunisia, Panama iyo Poland


Isku Aadka Wareega 16ka Xul Qaran Ee Koobka Aduunka:

Isku aadka wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunku waa mid sii qorshaysan oo ku xidhan xulalka kaalinta kowaad iyo kaalinta labaad kaga soo baxay Groupyadooda waxayna FIFA si rasmi ah u shaacisay qaabka ay wareega 16ka xul u wada ciyaari doonaan afartii wadan ee ka soo baxay Group A iyo Group B oo la soo xidhay.

Uruguay iyo Portugal oo kaalinta kowaad iyo kaalinta labaad kaga soo dhamaystay Group A iyo Group B sida ay u kala horeeyaan ayaa wada ciyaari doona June 30,2018 marka ay saacada Geeska Afrika 9:00 heebimo tahay

Dhinaca kale Spain iyo Russia oo kaalinta kowaad iyo kaalinta labaad kaga soo kala baxay Group A iyo Group B sida ay u kala horeeyaan ayaa wada ciyaari doona wareega 16ka iyada oo kulankan la ciyaari doono July 1,2018 marka ay saacada Geeska Afrika tahay 5:00 Galabimo.


Isku aadka iyo xaqiijinta waqtiga kulamada kale ayay FIFA samayn doontaa marka si buuxda loo soo xidho Groupyada kale waxaana ugu soo horayn doona Group C iyo Group D oo maanta iyo caawa la soo xidhi doono.

Qaabka Loo Wada Ciyaari Doono Iyo Waqtiga La Ciyaari Doono Xulalka Ka Soo Baxay Group A, B,C iyo D:

1-France vs Argentina– Sabtida- 5:00 Galabnimo ee saacada Geeska Afrika

2-Uruguay vs Portugal– Sabtida- 9:00 Habeenimo ee saacada Geeska Afrika

3-Spain Vs Russia– Axada- 5:00 Galabnimo ee saacada Geeska Afrika

4-Croatia vs Denmark– Axada- 9:00 Habeenimo ee saacada Geeska Afrika


Source:-gool24.net

 


Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip