[War Hadda Soo Dhacay]:-Halkan Ka Akhriso Sideed Qodob Oo Goor Dhaweyd Laga Soo Saarey Shirkii Beesha Garxajis Ee Buurta Gacan-Libaax

0
Sunday July 01, 2018 - 16:29:41 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    [War Hadda Soo Dhacay]:-Halkan Ka Akhriso Sideed Qodob Oo Goor Dhaweyd Laga Soo Saarey Shirkii Beesha Garxajis Ee Buurta Gacan-Libaax

    Gacan-Libaax-(Caalami-News)-Waxaa maanta goor dhaweyd qoddobo rasmi ah laga soo saarey shirkii beesha ee Garxajis ee uga socdey buurt Gacan-libaax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gacan-Libaax-(Caalami-News)-Waxaa maanta goor dhaweyd qoddobo rasmi ah laga soo saarey shirkii beesha ee Garxajis ee uga socdey buurt Gacan-libaax.




Waxaa maanta si rasmi ah u soo xidhmay shir sagaalkii cisho ee ugu danbeeyey u socdey beesha Garxaajis Buurta Gacan-libaax , waxaana shirkaas oo maanta soo xidhmay laga soo saaray 8 qodob oo kala ah .





 

  1. In Midnimada In Garxajis ay ka tahay midka koowaad .
  2. In Saami qaybsiga dawlada uu yahay mid aan cadaalad ku dhisnayn
  3. In Kootada qandaraasyada dalka cid gaara ah la siiyay
  4. In Sinaanshiiyo laan ay beeshu ku tirsaneyso shaqaalaha dawlada, ciidamada , saraakiisha ciidamada iyo waxii la mid ah
  5. In beelaha Somaliland oo dhan lala shiro si dib loogu soo noqdo Axdi qarameedkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay
  6. In la furo dastuurka dalka si beelaha darafyadu uga Qaybta qaataan dawlada Hogaanka dalkana loogu sinaado
  7. Beeshu waxay cadaynaysaa in labadii xukuumadeed ee iska dambeeyay Aanay dhex ka ahayn colaaada Ceel Afweyn ,Waxaana ay ku eedeeyeen in qaar ka mida wasiirada xukuumada Muuse sii hurinayaan colaaadaaas
  8. Waxaanu ka digaynaa in Beesha lagu sheego Somaliweyn, maadaama beeshu ahayd bud dhigii xoraynta dalka dad badana kaga dhinteen.

 



 

Filo goor dhow insha ALLAAH Muuqaalka warkaasi.


                                            Caalaminews/Hargeysa

 

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip