["Dal Go'doosan Oo Ku Socda Lacagta Mobile-da"], Wargeyska World Street Journal Oo Warbixin Ka Qoray Faa'iidada Lacagta Telefoonada La Isugu Diro Ee [ZAADKA,TELESOM]

0
Tuesday July 10, 2018 - 13:12:37 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ["Dal Go'doosan Oo Ku Socda Lacagta Mobile-da"], Wargeyska World Street Journal Oo Warbixin Ka Qoray Faa'iidada Lacagta Telefoonada La Isugu Diro Ee [ZAADKA,TELESOM]

    Hargeysa-(Caalami-News)-Wargeyska Caalamiga ah ee World Street Journal, ayaa warbixin dheer ka diyaariyay lacagta lagu isticmaalo telefoonada gacanta iyo faa'iidada ay u leeyihiin Somaliland, waxaana warbixinta lagu soo bandhigay in adeega Zaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Wargeyska Caalamiga ah ee World Street Journal, ayaa warbixin dheer ka diyaariyay lacagta lagu isticmaalo telefoonada gacanta iyo faa'iidada ay u leeyihiin Somaliland, waxaana warbixinta lagu soo bandhigay in adeega Zaad ay ka muuqato horumar iyo faa'iido dhaqaale oo Somaliland ka heshay.






Warbixinta oo ay diyaarisay weriye By Matina Stevis-Gridneff, oo dhawaan booqasho ku timid magaalada Hargeysa, waxa ay ciwaan uga dhigtay "Dal ga’doosan oo ku socda lacagta mobaylada”, iyadoo sheegtay in sicir barar cirka isku shareeray iyo ga’doomin dhaqaale ay Somaliland bulshadeeda ka dhigay mid aan isticmaalin kaashka.

 

 



Warbixinta oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo turjumay, waxa ay u dhignayd sidan "Somaliland— sicir bararka cirka isku shareeray iyo go’doomin dhaqaale ayaa ku riixay jamhuuriyaddan goosatay ee faqiirka ah inay qarka u saaraato inay gaadho heer aanay gaadhin wadamada kale ee dunida; taas oo ah inay noqoto dal aan kaashka ba lagu isticmaalin.

 



Dhaqalaha.

 

Lacagta moobaylada lagu isticmaalo ayaa ka bilaabmay Afrika tobankii sanadood ee u danbeeyey; tobonkii qof ee kasta ee qaarada ku nool hal qof ayaa ka isticmaala, taas oo ka dhigan boqol milyan oo qof. Dalka Kiiniya shirkadda la yidhaahdo Vodacom Group Ltd adeegeeda M-Pesa oo la aaminsan yahay inuu yahay tiknoolajiyadii u horaysay islamarkaana guulaysata ee isticmaasha lacagta moobaylada, waxa adeegeeda isticmaala 26 milyan oo macmiil oo u dhigma qiyaastii kala badh shacabka dalka. In ka badan kala badh nidaamyada lacagaha mobaylada lagu isticmaalo oo wadar ahaan dhan 262 milyan ayaa ku yaal Afrikada ka hoosaysa Saaxaraha, sida ay muujisay cilmi-baadhis ay samaysay McKinsey & Co.

 


Qaaradda oo hoy u ah qaar badan oo ka mid ah dhaqaalah soo kobcaya ee adduunka ayaa noqotay ta ugu dhow maanta inay dhinac marto ama ‘ka dul boodo” bangiyadii xafiisyada jaajuurka ah fadhiya oo ay toos ugu gudubto inay si xoog leh ugu isticmaasho moobaylada sidoo kale kiishadaha lacagta lagu rito.

 

 


Mana jirto meel ay faa’iidada lacagta moobayladu kaga badan tahay Somaliland oo xaaladaha daran ee dhaqaale iyo maaliyadeed ay u ogolaadeen Zaad ka, adeeg ay bixiso shirkadda is-gaadhsiinta u wayn ee Telesom, si ay u dardar geliyaan ganacsiga goob ka mid ah kuwa ugu go’doonsan dunida.

 


"Mushaharkayga waxaan ku qaataa Zaad ka, markaa waxaan isticmaalaa kaashka keliya marka aanan isticmaali karin Zaad ka,” ayuu yidh Qaasim Cali oo ka shaqeeya tukaan wayn (supermarket) oo ku yaal caasimadda dalka. "Iyada [Zaadka] ayaan door bidaa. Sababta oo ah kaash yar ayaan qaataa markaa haddii la I boobo dhib yar ayaa i soo gaadhaysa.”

 



Somaliland oo ah jamhuuriyad iskeed isugu dhawaaqday oo dadkeedu yahay 3.5 Milyan waxaay ka go’day Somalia 1991dii, mana jiro dal aduunka ku yaal oo aqoonsan, inkasta oo loo og yahay inay ka nabad badan tahay Somalia, hadana nidaamka bangiyada caalamiga ah way ka go’an tahay sababta oo ah walaacyada laga qabo maaligelinta argagixisada ayaa xanibaad ku noqday macaamilada.

 

 


Dalku wuxuu daabacdaa lacagtiisa gaarka ah oo ah Shillings ka Somaliland, balse sarifka lacagtu waa 10, 000 ama in ka badan marka hal doolar la sarifayo, sida ay ganacsatadu sheegtay. Tani waxaay keentay in si wayn loo isticmaalo lacagta doolarka Maraykanka ah oo ka timaadda xawilaadaha iyo hay’adaha deeqaha bixiya ee ka shaqeeya halkan oo inta badan doolarka isticmaala.

 


Tan iyo markii la furay sanadkii 2009, Zaadka oo af Soomaali ahaan la macno ah "korriin” wuxuu soo jiitay 850, 000 oo macmiil, oo u dhiganta qiyaastii rubuc shacabka dalka. Dadku inta badan waxaay ku isticmaalaan telefoono gaboobay, halka qaarkood oo aan badnayni ay ku isticmaalaan moobaylada casriga ah (smartphones).

 


Haddii aanay jiri lahayn lacagta mobayladu, aad bay u adkaan lahayd in dalkan lagu isticmaalo kaashka. Bangiyo ganacsi kama shaqeeyaan halkan, islamarkaana in lacag kaash ah in inta la raro lala maro wadooyinka rafka ahi waa mid waqti badan qaadanaysa. Shirkaduhu waxaay isticmaalaan Zaad ka si ay u bixiyaaan mushaharaadka, halkii ay shaqaalohooda ugu qaybin lahaayeen xidhmooyin lacago ah.

 


Maanta qof kasta oo isticmaala Zaadku wuxuu celcelis ahaan sameeyaa 35 dhaq-dhaqaaq bishii, dadka reer Somaliland na waxaay kuu sheegayaan inay isku dayaan inay u isticmaalaan Zaadka inta badan hawlohooda. Nidaam fariin diris oo fudud ayaa u sahlay xitaa dadka badan ee reer Somaliland ee aan waxna qorin waxna akhriyin inay isticmaalaan.

 


Marka laga yimaado dhaq-dhaqaaqyada la isugu diro mobaylada, dadka isticmalaaa waxaay mobaylka lacag ugu shuban karaan iyaga oo u dhiibaya kaash, Shilling ahaan ama doolar ahaan, wakiil inta badan ah hal qof ah oo ku jira dhisme yar oo wadada dhineceeda ku yaal.

 

 


"Adeegani waa xoogga dhaqaajiya in dhaqaalahayagu uu si haboon u socdo,” ayuu yidh Cabdikarim Iid oo ah madaxa shirkadda Telesom.

 

Maadama oo adeegga lacagaha mobaylada aanu maamulin bangiga dhexe, ma soo food saarto xanibaadaha soo wajaha bangiyada caadiga ah kuwaas oo ay ka mid yihiin shuruudaha loo dhigay si loo joojiyo maalgelinta argagixisada.

 


Sababaha lacagta moobayladu ay guusha uga gaadhay Somaliland waxa ay ka muuqataa sekedaha mashquulka ah ee kala dhaadheer ee Hargeysa oo ay is-dabo taxan yihiin sariflayaal hor fadhiya lacag kaash ah oo saddex dhun-dhun is dul saaran, taas oo qaarkeed la isugu xidhay shabag halka qaar kalena ay ku jiraan kiishash. Si loo saaro lacagta Shillingka gaadhiga macmiilka, sariflayaasha badankoodu waxaay u yeedhaan qof ka caawiya oo wata kaaryoonle si kiishashka culus loo qaado.

 


Cabdilaahi Cabdiraxmaan wuxuu hal mar todobaadkii ka soo jiidaa kaalintiisa shidaalka ee Hargeusa ku taal laba kiish oo culus oo ay ka buuxdo lacagta Shillingka isaga oo u keena sariflayaasha ku yaaal suuqa dhexdiisa, dhawr saacadood kadib wuxuu dib ula noqdaa xoogaa doolar ah oo uu jeebka danbe ku rito iyo Zaadkiisa oo buuxa.

 



Macaamiisha Cabdiraxmaan waxaay lacagta ku bixiyaan Shillingka Somaliland. Wuxuu u baahan yahay inuu doolar siiyo dadka uu wax ka soo iibsado. Markuu isticmaalo Zaadka, kala badh markaa lacagtu waxaay ku soo gashaa moobaylka, taas oo macneheedu yahay in nidaamka hawsha badan uu noqdo mid la maarayn karo xiligan oo sicir bararku aad u sareeyo.

 

 


Sheekooyinka tan oo kale ahi waxaay keeneen in cel-celis ahaan Zaadku kordho 10% sanadkii hore keliya. Adeegyada kale laftooda ayaa iyana sare u kacay, taas oo abuurtay tartan hor leh. Dahabshiil oo ah shirkad Soomaalilyeed oo lacagaha xawisha kana shaqaysa 126 dal oo ka caan ah dunida Muslimka ah, ayaa iyana ah adeeg bixiye kale oo lacagta moobaylada ka shaqeeya Somaliland.

 



Dahabshiiil waxaay la mataanowday Somtel, oo ah shirkad kale oo is-gaadhsiineed, si ay u daah-furaan e-Dahab. E-Dahab wuxuu caan ka dhex noqday dadka reer Somaliland ee jooga dalka debediisa oo u isticmaala inay lacag ugu soo xawilaan dalkooda iyaga oo isticmaalaya moobaylada, taas oo noqotay il muhiim ah oo doolarku halkan ku soo galo.

 


"Fekerka ah in dhaqaaluhu noqdo mid aan kaash jirin waxaay soo jiidatay korrin sababta oo ah waxa maqan bangiyada ganacsi iyo sidoo kale walaacyo amni darteed oo weli ah kuwa la qabo,” ayuu yidhi madaxa Dahabshiil Cabdirashiid Ducaael.

 



Zaadka iyo adeegyada kale ee cusub ee lacagaha mobayladu waxaay u yihiin muhiim socodka dhaqaalaha Somaliland, ruuxda wadaniyaduna aad ayay u saraysaa halkan ilaa heer madaxda [shirkaduhu] ay ka dhigeen adeegyadaas kuwo bilaa lacag ah. Adeegyada la midka ah ee Afrika waa kuwo qaali ah oo khidmadda laga qaadaa waxaay gaadhaa 10% xitaa marka la sameeyo dhaq-dhaqaaq yar sida hal doolar.

 


Balse Mr. Iid, madaxa Telesom, wuxuu leeyahay qadadii bilashka ahayd waa suurtagal inay dhamaatato. Wuxuu ka fekerayaa sanadkan dhamaadkiisa inuu ku soo rogo khidmad aad u yar in laga qaado dhaq-dhaqaaqyada Zaadka. Wuxuu aaminsan yahay in reer Somaliland iyo dhaqaaluhuba diyaar u yahay.

 



"Dadku ma jecla inay bixiyaan wayna adkaan doontaa,” ayuu yidhi "balse waa inaanu ku qancinaa in dantooda iyo dantayadaba tahay inay inyar ka bixiyaan arin sidaas u muhiim ah.”

 

 




Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip