[FAAF-FAAHIN]: Heshiiskii Uu Cristiano Ronaldo Ugu Biiray Juventus & Fariintii Qiirada Lahayd Oo Uu Jamaahiirta Madrid Usoo Diray

0
Wednesday July 11, 2018 - 12:58:27 in Wararka by Ahmed M.
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [FAAF-FAAHIN]: Heshiiskii Uu Cristiano Ronaldo Ugu Biiray Juventus & Fariintii Qiirada Lahayd Oo Uu Jamaahiirta Madrid Usoo Diray

    Muqdisho-(Caalami-News)-Real Madrid ayaa shalay gelinkii dambe xaqiijisay in laacibkoodii Cristiano Ronaldo uu ku biiray kooxda reer Italy ee Juventus, kaaso uu u saxiixay heshiis shan sano ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Real Madrid ayaa shalay gelinkii dambe xaqiijisay in laacibkoodii Cristiano Ronaldo uu ku biiray kooxda reer Italy ee Juventus, kaaso uu u saxiixay heshiis shan sano ah.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku guuleystay 5 Champions League , 2 Laliga ,  iyo sidoo kale abaalmarino badan sagaalkii sano oo uu ku sugna Bernabeu.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u xumaanayay xiriirka ka dhaxeeyay madaxweynaha kooxda Florentino Perez iyo Ronaldo.



xiddigan shanta jeer heeysta abaalmarinta Ballon d`or ayaa hadda Allianz Stadium ka qaadan doona £500,000 isbuuci.



Haddaba Ronaldo ayaa fariin qiiro leh jamaahirta Madrid usoo diray
wuxuuna yiri:-


"Kaliya waxaan dareemayaa inaan si weyn ugu mahdiyo kooxda, jamaahiirta iyo magaalada. Sidoo kale waxaan uga mahad celinayaa
dhamaantood jaceylkii iyo taxadarkii ay I siiyen”


"Si Kastaba, waxaan aaminsanahay inuu yimid waqtigii aan furi lahaa marxalad cusub ee nolosheyda, waana sababta aan kooxda u weydiistay
 iney aqbasho heshiiska”


"Waxaan dareemay habkaas, waxaan weydiistay qof walba, gaar ahaan jamaahiirteena iney si farxad leh ii dareemaan.
 Waxey ahaayeen kuwa xaqiiqdii kuwa cajiib ah mudada sagaalka sano”

"Sagaalkaas Sano waxey aheyd mid gaar ah, waxey ii aheyd waqti xiiso leh, tixgelin buxda, balse mar walba waxey aheyd mid adag
sababtoo ah rabitaanka Real Madrid ayaa ah mid aad u sarreeya, balse si fiican ayaan u ogahay inaan waligey iloobi doonin inaan hab gaar ah
ugu raaxeystay waqtigeyga kubadda cagta halkaas”


"Waxaan garoonka iyo qolka labiska ku heystay saaxiibo fiican, waxaan dareemay dareenka ay soo bandhigeen jamaahiirta aan caadiga aheyn
 iyo inaan si wadajir ah ugu guuleysanay saddex Champions Leageu oo xiriir ah iyo afar (UCL) muddo shan sano ah” Iyo Sidoo kale inaan gaaray
 heer shaqsiyadeed, waan ku qanacsanahay inaan ku helay 4’Ballon d’Or iy 3 Kabta dahabka gooldhalinta”


"Intaan ku jiray dhamaan waqtigeyga kooxdaan aadka u weyn ee aan caadiga aheyn. Real Madrid waxey ku guuleysatay qalbigeyga iyo midda qoyskeyga, waanan sababta in ka badan ebid aan u doonayo inaan u mahad naqo, Waxaan u mahad celinayaa kooxda, madaxweynaha, agaasimayaasha, saaxiibadeyda kooxda, dhamaan macalimiinta, dhaqaatiirta, macalimiinta jirdhiska iyo shaqaalaha aan caadiga aheyn ee wax walba ka dhigay iney shaqeeyaan, wax walba oo aan sare kusoo xusay”


"Mar kale si aan dhamaad laheyn ayaan idinkugu mahad celinayaa taageerayaasheena, sidoo kale xiriirka kubadda cagta Spain.

"Intii aan ku jiray sagaalkaas sano ee xiisaha leh, waxaa horteyda ahaa ciyaartoy badan oo waaweyn, dhamaantood ixtiraam ayaan u hayaaa”


"Wax badan ayaan kasoo muuqday, waana ogahay in waqtiga taxanaha cusub uu imaanayo. Waan baxayaa balse maaliyadaan,
calaamadaan & Santiago Bernabeu meel walba oo aan joogo waxaan mar walba u dareemi doonaa inaan leeyahay.
Dhamaantiin waad mahadsan tahiin, dabcan waa sidii aan idin dhahay markii iigu horreysay garoonka Santiago Bernabeu
 sagaal sano ka hor. Hala Madrid”



Caalaminews/Muqdisho
Info@caalaminews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip