[AKHRISO]: Al-Shabaab Oo War Kulul Ka Soo Saartay Heshiiska Dowladaha Somalia & Itoobiya

0
Wednesday July 11, 2018 - 13:33:14 in Wararka by Ahmed M.
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [AKHRISO]: Al-Shabaab Oo War Kulul Ka Soo Saartay Heshiiska Dowladaha Somalia & Itoobiya

    Muqdisho-(Caalami-News)-Kooxda Alshabaab ayaa war cad kasoo saartay heshiiskii muranka badan dhliyay ee dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray , kuna saabsanaa maalgelinta Afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Kooxda Alshabaab ayaa war cad kasoo saartay heshiiskii muranka badan dhliyay ee dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray , kuna saabsanaa maalgelinta Afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya.


Ninka labaad ee ugu sareeya Alshabaab Mahad Warsame [ Abuu Cabdi Raxmaan ]
oo loo yaqaano Mahad Karate ayaa go`aan Alshabaab ka qaadatay arrintan u sheegay warbaahintooda ,
isagoo sheegay in qorshaha Itoobiya loogu gacan gelinayo dekadaha Soomaaliyeed uu qeyb ka yahay damacii Itoobiya


ee ahaa in ay Soomaaliya qabsato.

Sheekh Mahad Karate ayaa sheegay in heshiiska  dekadaha lagu siiyay Itoobiya iyo hadalkii Abiy Ahmed ee ahaa
in Soomaaliya iyo Itoobiya la mideyn doono uu yahay qorshe u degsan oo ay qasab ku tahay in hogaamiyeyaasha Itoobiya
 ay hirgeliyaan.

” Farmaajo oo ah nin Maraykan ah , kana tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga la yiraahdo , wuxuu dadka soomaaliyeed
  ku beer laxawsaday inuu yahay wadani Soomaali ah, balse markii uu kursiga ku fariistay wixii ugu horeeyay ee uu qabtay waxay ahayd inuu xabashida u gacan geliyo qof walba oo Soomaali ah oo ay ka dalbadaan , maantana wuxuu saxiixay in dekadaha dalka ay xabashidu la wareegto.. ” ayuu yiri  Mahad Karate oo weerr ku qaaday madaxweyne Farmaajo.

Ninka labaad ee ugu sareeya kooxda Alshabaab ayaa ku dooday in haddii aysan dadka Soomaaliyeed baraarugin caasimada Itoobiya laga dhigi doono Muqdisho , sida caasimada Yuhuuda looga dhigay Magaalada xooga lagu haysto ee Qudus.


Caalaminews/Muqdisho
Info@caalaminews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip