Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Gaaray Magaalada Jowhar

0
Thursday July 12, 2018 - 12:57:08 in Wararka by Ahmed M.
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Gaaray Magaalada Jowhar

    Muqdisho-(Caalami-News)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa goordhow waxa ay gaareen Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa goordhow waxa ay gaareen Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ah labaad ee  Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa lagu wadaa in uu maanta Jowhar ka furo Kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo bilooyinkii dambe fasax ku maqnaa.

Qaban qaabada munaasabada Furitaanka 4aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa hadda waxaa ay ka socotaa Howlka ay ku Shiraan Xildhibaanada Hirshabeelle ,iyadoona halkaasi ay ku sii qul qulayaan Wafuud Caalami ah.

Ammaanka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,waxaana sugida Amniga iska kaashanaya Ciidamada dowlada Soomaaliya  iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle.



Caalaminews/Muqdisho
Info@caalaminews.com

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip