Maraykanka Oo Ugu Baaqay Dalalka Khaliijka Inay Joojiyaan Faragelinta Somalia.

0
Thursday July 12, 2018 - 13:51:05 in Wararka by Ahmed M.
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Ugu Baaqay Dalalka Khaliijka Inay Joojiyaan Faragelinta Somalia.

    Muqdisho-(Caalami-News)-Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ee ka hawl-gala Qaaradda Afrika ee (AFRICOM), General Thomas Waldhauser waxa uu soo saaray Hadal-qoraal oo uu kaga hadlay Arrimaha Somalia iyo Ammaanka Geeska Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ee ka hawl-gala Qaaradda Afrika ee (AFRICOM), General Thomas Waldhauser waxa uu soo saaray Hadal-qoraal oo uu kaga hadlay Arrimaha Somalia iyo Ammaanka Geeska Afrika.

Waxa uu tilmamaay inay ka walaacsan yihiin Faragelinta ay Dowladda Khaliijka ee Is-khilaafsan ku hayaan Arrimaha Gudaha ee dalka Somalia.

Generalka oo haatan socdaal ku jooga dalal ka tirsan Geeska Afrika waxa uu ku eedeeyey Dowlado uusan magacaabin oo ka tirsan dalalka Khaliijka inay sii hurinayaan Deganaanshaho La’aanta ka jirta gudaha Somalia oo horeyba ay uga jireen dagaallo iyo Deganaansho La’aan.

"Kala-duwanaansha iyoiska horimaadka u dhexeeya dalalkaasi Carbeed waxa u uka socdaa meel ka baxsan Somalia, waxaana ugu baaqayaa Dhexdhexaadnimadooda” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM),General Thomas Waldhauser.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxa ugu sarreeya Askarta Maraykanka ka joogta Qaaradda Afrika waxa uu ka hadlay Taageeradda ay DFS ka siiyaan Dib-u-dhiska Ciiddanka Dowladda iyo Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Waxa uu General Thomas Waldhauser mar kale xaqiijiyey inay diyaar u yihiin inay sii wadaan Taageeradda Somalia muddo dheer, taasi oo uu tilmaamay inay sii socon doonto inta ay DFS doonayso inay oggolaadaan Taageeradda Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Maraykanka waxay DFS ka taageertaa dhinacyadda Dhaqaalaha, Milliteriga iyo Dib-u-dhiska Hay’adda Ammaanka, iyadoo ay boqolaal Askar Maraykan ah saldhigyo ku leeyihiin Garoonka Balli-doogle iyo kan magaalladda Kismaayo, kuwaasi oo qeyb ka ah La-dagaalanka Alshabaab.



Caalaminews/Muqdisho
Info@caalaminews.com


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip