[Dhacdo Layaable]:-Daanyeer Bas Rakkaab Saaran Yihiin Ku-dhex Ka Xeeyey Dalka Hindiya

0
Sunday October 07, 2018 - 14:58:38 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Dhacdo Layaable]:-Daanyeer Bas Rakkaab Saaran Yihiin Ku-dhex Ka Xeeyey Dalka Hindiya

    Bombay-Hindiya-(Caalami-News)-Darawal Hindi ah oo basaska kaxeeya ayaa laga joojiyey inuu gaadhi wado kaddib markii uu daanyeer u ogolaaday inuu baskiisa wado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bombay-Hindiya-(Caalami-News)-Darawal Hindi ah oo basaska kaxeeya ayaa laga joojiyey inuu gaadhi wado kaddib markii uu daanyeer u ogolaaday inuu baskiisa wado.




Sidaasoo ay tahay, ma jirin wax cabasho ah oo ka timid soddomeeyo qof oo ahaa rakaabkii saarnaa baskaas marayey koonfurta gobolka Karnataka.

 


Haddaba markii la shaaciyey fiidiyow muujinaya daanyeer aysan ka qasnayn oo si fiican u kaxaynayey gaadhiga, oo fiidiyowgaasna uu noqday mid aad loo daawaday, ayey shirkaddii baska lahayd tallaabo ka qaadday darawalka.

 



"Bed-qabka rakaabka khatar lama gelin kari ayadoo daanyeer isteerinka loo dhiibayo" sidaa waxaa yidhi afhayeen u hadlay shirkadda baska leh.

 


Laakin dadkii daawaday, arrinta la yaabka leh waxay ahayd in aysan isku raacsanayn wixii ay arkeen iyo tallaabada laga qaaday.



"Waa heer sare, maxaa shaqada looga joojiyey? Waxay ahayd in loo digo si uusan mar kale tan ugu celin" Prag Heda ayaa Twitter ku qoray.


Arrintan ayaa dhacday Isniintii, sida laga soo xigtay hay'adda xukuumadda u qaabilsan waddooyinka, taasoo ogaatay wixii dhacay markii la sii daayey fiidiyowga.


Sida laga soo xigtay dad goobjoog ah, daayeerka waxaa gaadhiga soo saaray qof rakaab ah oo diiday inuu fadhiisto meel aan ahayn kursiga hore.


Darawalka oo magaciisa lagu sheegay M Prakash, oo u muuqday inuusan wax welwel ah ka qabin ayaa u ogolaaday daayeerka inuu dhabtiisa ku fadhiisto.

Si marka loo fiiriyo, Mr Parakash wuxuu u muuqday in uu isteerinka hal gacan ku hayey intii uu gaadhigu socday oo uu taxaddar qabay.

Daanyeerka wuxuu gaadhiga kaga hadhay markii la gaadhay halkii loo waday.


 

 

Daayeerka oo isteerinka haya

Daayeerka oo isteerinka ama shookaanta baska haya



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip