[SAADAAL]:-Duufaan Ku Soo Waajahan Dalka Soomaaliya Iyo Xilliga La Filikaro

0
Wednesday October 10, 2018 - 14:21:22 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [SAADAAL]:-Duufaan Ku Soo Waajahan Dalka Soomaaliya Iyo Xilliga La Filikaro

    Somaliya-(Caalami-News)-Qaybta saadaasha hawada ee BBC ayaa sheegtay in ay samaysmayso duufaan xoog leh oo ka soo abuurmaysa badda Arabia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliya-(Caalami-News)-Qaybta saadaasha hawada ee BBC ayaa sheegtay in ay samaysmayso duufaan xoog leh oo ka soo abuurmaysa badda Arabia.



Duufaantan oo loogu magac daray Luban ayaa la filayaa in ay ku dhiufato waddanka cumaan Jimcaha, ka hor inta aysan garaacin Sabtida dalka Yemen,oo aysan ku xigsiinSoomaaliya. Waxaa la sheegayaa in roobab aad u xoog leh ay wadato.

 


Xarunta digniinta ka bixisa duufaannada ee Maraykanka ayaa sheegaysa iyadana in heerka duufaantan uu yahay heerka 1aad. Marka ay gaadho Yemen iyo Cumaan waxay xaruntu sheegaysaa in la fili karo in xoogeedu uu yaraado.



Bishii Maajo ayey ahayd markii duufaanta Mekunu ay ku dhufatay Cumaan

Bishii Maarso ayey ahayd markii duufaanta Mekunu ay ku dhufatay Cumaan

Laakin roobabka xoogga leh ayey sheegtay in ay dhalin karaan daadad khatar gelin kara qaybaha ay ka marayso dalalka ay ku wajahan tahay.


"Waxaa kaloo macquul ah in Luban ay galbeedka sii aaddo oo ay u gudubto gacanka Cadmeed" ayey tidhi xaruntu.

Duufaannada kulaaleyaasha ayaa intooda badan waxay ka kacaan badda Arabia xilliyada Guga iyo dayrta. Sannadkii ama labadii sanaba mar ayey duufaantaasi saamaysaa gacanka Arabia.


Bishii Maajo ayey ahayd markii duufaanta Sagar oo gacanka Cadmeed ku dhufatay ay sidoo kale garaacday Soomaaliya.


Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cirifka bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.


Xilliga ay Soomaliya ku soo beegan tahay awoodeedu way yaraan doontaa

Xilliga ay Soomaliya ku soo beegan tahay awoodeedu way yaraan doontaa


 

 



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip