Macallimiin Lagu laayay Dalka Kenya Iyo Tirada Macallimiinta

0
Wednesday October 10, 2018 - 16:00:46 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallimiin Lagu laayay Dalka Kenya Iyo Tirada Macallimiinta

    Nairobi-Kenya-(Caalami-News)-Labo macallin oon Muslimiin ahayn oo dhigayay dugsi sare ayaa habeennimadii Talaadada la dilay ka dib markii bam lagu tuuray gurigooda oo ku yaalla magaalada Lafey ee bariga gobolka Mandera, sida ay booliisku sheegeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nairobi-Kenya-(Caalami-News)-Labo macallin oon Muslimiin ahayn oo dhigayay dugsi sare ayaa habeennimadii Talaadada la dilay ka dib markii bam lagu tuuray gurigooda oo ku yaalla magaalada Lafey ee bariga gobolka Mandera, sida ay booliisku sheegeen.



Booliiska kaydka ah ayaa weerar ku qaaday rag loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab, kuwaas oo markii dambe baxsaday. Booliiska ayaa hadda ugaarsanaya dadka weerarka soo qaaday.

 


Mandera oo xadka Soomaaliya ku taalla ayay si joogto ah uga dhacaan weerarro lagu bartilmaameedsado dadka aan Soomaalida ahayn ee kiristaanka ah ee deegaannadaas ka shaqeeya.

 



Horraantii sannadkan afar ruux oo dhagaxaanta ka jabin jiray gobolka Mandheera ayay dileen dad looga shakisan yahay malayshiyada Al-Shabaab.

 


Weerarkan ayaa yimid iyadoo ururka macallimiinta Kenya uu ka soo horjeedo in macallimiin aan deegaanka u dhalan lagu qoro gobolkaas.

 

 



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip