Kooxda Al-Shabaab Oo Laba Macallimiin Ah Ku Toogtay Gudaha Dalka Kenya

0
Thursday October 11, 2018 - 10:12:07 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 85
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Al-Shabaab Oo Laba Macallimiin Ah Ku Toogtay Gudaha Dalka Kenya

    Kenya-(Caalami-News)-Ururka Al Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah dilay labo macalin oo wax ka dhigeysay iskuulka sare ee Carabiya oo dhaca Bariga magaalada Mandheere ee u dhaw xuduudka Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya-(Caalami-News)-Ururka Al Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah dilay labo macalin oo wax ka dhigeysay iskuulka sare ee Carabiya oo dhaca Bariga magaalada Mandheere ee u dhaw xuduudka Somaliya.



Laamaha ammaanka ayaa sheegay in toogashada macalimiintaan ay ka dhalatay kadib markii Al Shabaab weerar ku bilawday bambo gacmeed ay ku qaadeen iskuulka oo ay ku sugnaayeen ciidamo boolis ah.


Gudaha iskuulka ayaa iska hor imaad wuxuu ku dhexmaray xubnaha ka tirsan Shabaab iyo ciidamada Kenya, intaasi kadib Shabaab ayaa toogtay labadan macalimiin oo baxsad ahaa.



Ilaalada iskuulka ayaa isku dayday in ay gacanta ku dhigaan dambiilayaasha balse uma suurta gelin ay qabtaan sida lagu daabacay Shabakada Euro News.


Xubnaha ka tirsan Shabaab ee weerarka qaaday ayaa la sheegay inay u soo baxsadeen dhanka xuduuda, waxaana ku daba jira ciidamada booliska.


Al Shabaab ayaa weeraro deg deg ah ku qaada xarumaha Dowladda, Hoteelada, goobaha waxbrasho iyo goobaha laga cunteeyo dhulka Somalida ee Kenya.


Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa la kulma dhaliilo ku aadan in aysan si deg deg ah uga jawaabin weerarada Al Shabaab ay ka geystaan deegaanada soo xiga Somaliya.




Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip