14 Dhagarood Oo Uu Geystay Dhaxal Sugaha Dalka Sucuudi Arabiya Wiilka Awoodda Badan Ee Maxamed Bin Salmaan [Xog Muhiim Ah]

0
Monday October 22, 2018 - 13:56:50 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    14 Dhagarood Oo Uu Geystay Dhaxal Sugaha Dalka Sucuudi Arabiya Wiilka Awoodda Badan Ee Maxamed Bin Salmaan [Xog Muhiim Ah]

    Riyaad-(Caalami-News)-Waa Kuma Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdul Casiis (Aala Sacuud):-Maxamed bin salmaan waa mid mid kamida inamada uu dhalay odayga imika hogaanka sandalada boqortooyo ee sucuudiga haya, waa 32-sano jir ah, gacanta midig ee aabihii bo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Riyaad-(Caalami-News)-Waa Kuma Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdul Casiis (Aala Sacuud):-Maxamed bin salmaan waa mid mid kamida inamada uu dhalay odayga imika hogaanka sandalada boqortooyo ee sucuudiga haya, waa 32-sano jir ah, gacanta midig ee aabihii boqor salmaan, waana boqorka hada xukuma dalkaasi, maadaama aabihii gacanta ka geliyey awoodii maamul-boqortooyo ee dalkaasi, isla markaana maarayntiisa iyo maamulkiisa uu xaqa u lahaa Salmaan Bin Abdulaziiz Al Saud.




Sanadkii 2009-kii markii uu salmaan ahaa, gudoomiyaha gobolka Riyadh ayaa uu aabihii ka dhigtay gacanta midig ee ugu dhaw waxaanu ka dhigtay la taliyihiisa gaar ka, kadib aabihii ayaa sandaladii qabtay sucuudiga 2015 january 3 dii. isagoo 79-sano ah’ hadaba isla Ap-2015-kii ayaa aabihii ka dhigay wasiirka gaashaan dhiga, sidoo kalena markaas uu boqor Salmaan magacaabay jiil cusub oo dhaxal sugayaal ah. Isagoo ku tagri falaya boqor salmaan awooda kursiga ayaa uu eryay walaalkii, Murqin bin Cabdul Casiis oo ahaa ninkii xaqa u lahaa dhaxal-sugida sandalada, waxaanu ku bedelay oo uu sandaladaasi dhaxal sugaha koobaad uga dhigay Maxamed bin Nayef.



Natiijada sawirka maxamed bin sulmaan

Waxaana dhaxal sugaha labaad ka dhigay inankiisa Maxamed. Wuxuu sidoo kale ka dhigay ra’iisalwasaare ku xigeen, halkaas ayay ka aloosantay xurgufta sandalada ciriqeedu yahay ee soo kala dhex gashay reer aala-sucuud, oo ahaa dad sharaf iyo wanaag badan looga bartay ahaana unug-qoys sandaladeed oo caalam islaamka hormuud u ahaa, isla markaana xaramaynkii gacanta ku haya, dhaqanka islaamkana ku adag. Intaas kadib waxaa si toosa gacanta aabihii ugu geliyey awoodii iyo maamulkii boqortooyada wakhtigan waa boqorka sida saxda ah. Uga taliya dalkaasi halka uu salmaana ka yahay hogaamiye maqaar-saara.



-Hagardaamooyinkiisii intii uu hogaanka dalka hayey MBS.

Tan iyo intii aabihii masiirka iyo maamulka ummada sucuudiga ee islaamka ah, gacanta uu galiyey, MBS, waxaa uu geystay dhibatooyin hor leh, oo af-kala qaad iyo amakaag ku noqotay dadka reer sucuudi iyo caalamul islamka.



1- Dumintii Iyo Dagaalkii Dalka Yemen

Dalka yemen oo dagaalo sokeeyo ka dilaaceen isla markaana xal- loo heli lahaa aan ahayn dagaal-dagaal ku xallilid, ayaa waxaa xulafo uu hor kacayo MBS, ku qaadeen dagaal aan loo meel dayin iyagoo kumanaan maxas iyo maato ah, ku qudh-baxeen,bur-bur iyo barakac bina aadane ka dheceen, daarihii, duunyadii, dadkii, dawladii, iyo guud ahaan dalkii yemen dhulka lala simay,oo degel, cid la’ laga yeelay, waxaanu ku doodayay MBS inuu wiiqayo awooda xuutiyiinta se waabay sii xoogaysatay, wakhtigan.waxaana halkaa ka soo gaadhay fashil, iyo farsamo xumo.iyadoo fikir kanina ahaa fikfir reer galbeed, taasoo qorshaha reer galbeedku yahay damac iyo doonis ah, khariirad ka masaxa dunida dawladaha muslimka, ah.

2- Qorshihii Fashilmay Iyo Qalalaasihii Siyaasadeed Ee Dalka Lubnaan.

Waxa uu isku dayey inuu qalalaase siyaasadeed qoorta u geliyo dalkaasi lubnaan, kadib markii uu qasab kaga dhigay cadaadisna ku saaray inuu is casilo( resignation) ra’iisal wasaarajha dalkaasi ee Sacad Xariiri, hadana dalal reer galbeedka kamida oo faranasiisku kamid yahay ayaa ganafka ku dhuftay, is casilaada sacad, isagoo muddo ka laabtay, is casilaadaa, waxaana dunidu ka baqday inay dib u soo noolayso, khilaaf-diimeedkii (conflict religion) dalkaasi ee mudada ka taagnaa ee u dhexeeyey, sunniga, shiicada, iyo masiixiyiinta dalkaasi, bal-eeg maslaxada dalkaasi waxaa ka talaniya reer galbeed isna bur-burkooda ayuu bud-dhigayey.



3- xadhka-xidhdista xidhiidhka yuhuuda ee dalkaasi xaaraanta ka ahaa.

Sideedaba waxaa caado iyo caadi u ahayd in dalka Israel xidhiidhkiisu xaaraan ka ahaa dalka sucuudiga, waxaanu ku kacay MBS, dhacdo ku cusub caalamka carabta, oo ah inuu xidhiidh u xadhako xidhay yuhuuda, oo waayadii hore xataa qofka booqda dalkaasi aanu dib u ha waysan jirin caga dhigashada carabta, gaar ahaan sucuudiga, waxaana ilo-wareedyo sheegayaan in uu dhaqaale ku bixinyo saxeexyo qarsoodi ah, siiyeyna madaxda yuhuuda si dhul loogaga iibiyo masar lana keeno dadka yuhuuda ah (zion’s)ka, ee ay maashaysay dal la’aantu, sidoo kalena qorshaha reer galbeedku dabada ka riixayaan ee in la siiyo loona saxeexo dalka falastiin shar wadayaasha yuhuuda ee dal balaadhsiga ku jira tan iyo qarniyada.



4- Go’doon gelintii dawlada Qatar iyo xasarad alooskii siyaasadeed ee duni ku dirka dalka Qatar.

Dalka qadar waa mid kamida dalalka dunida ugu qanisan, caalam weynaha carab iyo cajabeedba, waxaanay qaniimadiisaasi jilbaha dhulka ugu dhufatay oo hoos keentay wadamo badan oo reer-glbeedka ah, iyagoo ah. Wadan saliida qani ku ah, se waxaa is bedel ku yimid siyaasadii iyo hogaan u hayntii reer galbeed ee dalkaasi ka dib markii uu MBS, ku qaaday dalkaasi olole xasaradayn oo siyaasadeeda, isagoo xulafaysanaya maraykan, waxaanay soo mala waaleen inay argagixsada hanti-siiso, taasoo ugu dambayn noqotay olole ma dhalaysa, waagii aan inankani talada fara maroorsan waxaa Qatar haysay hogaanka reer-galbeedka, cuna qabatayno iyo cimaamad karidid lagula kacay sharaftii dalka Qatar, waxay noqotay been-sibaalayn sucuudi sameeyey.



5- xidh-xidhidii iyo xadhig-qoolkii maal-qabeenadii ugu waaweynaa sucuudiga.

Wuxuu xabsiga dhigay oo xadhig-gacan ku rimis ah, kula kacay, maal qabeenadii ugu waaweynaa dalkaasi sucuudiga oo gaadhaya ilaa 200- oo maal-qabeen iyo madax, waxaanu ka wareejiyey hantidoodii iyo maalkoodii isagoo ku daboolaya xadhigaasi gaboodna ka dhiganaya musuq, se aanay dadkaasi ku kicin baadhitaano qarsoodi ah, oo la sameeyey.ugu dambayn raga xadhig xaq darro ah ayaa lagu la kacay.

6- daba-dhilifaynta iyo daba-dhaqa reer galbeedka gaar ahaan maraykanka.

Waxa uu xooga saaray xidhiidhinta reer galbeedka adeecidooda, adeegidooda, iyo kaba qaadkooda ayaa uu aad u jecelyahay, waxaanu si weyn u dal-dashaa maraykan balaayiin dooler oo bilaa xisaaba iyo shidaal raqiisa, oo uu si daba-la’ ugu daad gureeyo dalkiisa,waxaanu trump qud-badiisii markii uu sucuudiga ka soo noqday ku sheegay inay maraykanku awoodan dheeriga ah, u dhirin dhiriyeen gacantana u geliyeen, inankan yarna ay taba barteen, iyagu oo awaamiirtooda uu ku shaqeeyo, aalaaba trump oo looga bartay shakhsi aan waxba qarin oo xitaa siyaasada maraykanka ee qarsoodiga ah, fagaarayaasha kaga qaada-daaha.

Fiiro-Gaara: Markii ay qaarajiyeen alle haw naxariistee boqor faysal bin cabdilcasiis, markii uu shidaalka u diiday ee macaluusha, iyo dhmasho dharaareedku ka dhacay wadamada reer galbeedka iyo maraykankaba, waa kuwii iska qaarajiyey ee inankii uu adeerka u ahaa ugu soo qori dhiibay, faisal bin musaacid, ee uu qasrigiisa ku qaarajiyey, taasaay ka cabsadaan oo tan iyo waagaa maraykan inay kabaha u qaadaan waa mid ay taasi ka dambayso.



7-Xakameynta ku xukunkii diinta islaamka xukuumada iyo dalacsiinta nidaamka cilmaaniyada( secular) iyo Ra’salmaaniyada (Capitalism)

Sucuudigu waa wadan diinta islaamku awood ku leedahay oo aad looga dambeeyo oo waxkasta laga hor mariyo hadaba, waxaana iskiisada mariyey arinkaa MBS, isagoo sheegay inuu doonayo dalku inuu noqdo mid siyaasad ahaan iyo diin ahaamba fur-furan, waxaanu dhaqan geliyey nidaamka cilmaaniyada,iyo Raasalmaaniyada, hadaba arinkan waxay saadaashu sheegaysaa inay dhaawacayso oo iska hor imaad ka iman karo dalkaasina galo qalalaase siyaasadeed, heshiiskii u dhexeeyey reer Aaala-shiikh iyo Reer Aala-Sucuud.



8- boqortooyada sucuudigu dhaqamo ay baabi’yeen beri-samaad se uu dib usoo bilaabay.

Sucuudigu waxa uu ku caga-taagan yahay laba awoodood oo heshiis galay, waana reer aala sheikh iyo reer aala sucuud, iyagoo ay u kala xadidantahay awooda saami qaybsi ee maamulka dalkani, waxaana ka mamnuuc ahaa, dhaqamao badan, oo ay kamid yihiin is dhexgalka raga iyo dumarka, daawashada aflaamta ee tagida shaleemooyinka, wadida gaadiidka ee dumarka, mamnuucida goobaha lagu soo bandhigo muusiga iyo heesaha, bandhig fanaaedada.

Faah-faahin dheeri ah:- Cabdil Wahaab waxaa uu ahaa aqoonyahay Islaama kana yimid Gobolka Najid ee gacanka Carbeed,waxaa uu ahaa Nin safar badan,qoraa ah,Kutubada uu qoray waxaa ka mid ah (Midnimo,Muwaxid),waxaase inta badan diiday Culimadii kale ee Muslimiinta.



Cabdil-wahab waxaa uu oggolaa in meel aan ahayn Kitaabka iyo Sunnaha aanay Culimada wax ka soo daliishan Karin,wixii ka soo hadhana waxaa uu u bixiyay (BIDCO),waxaana Muslimiinta aan aragtidiisa qabin ku daray gaalada.

Ma jirin wax gaar ah oo ku cusbaa doodad Wahaabiyada oo salka ku heysa Mad-habta Xambaliga,waxaana ay u horseedday isaga in uu aad ugu dhawaado qoyska boqortooyada Sucuudiga maamusha.

Aragtida Maxamed Bin Sucuud,waxaa ay daryeeleysay Dhallinyarada,laakiin uma ballan qaadeynin Awood dheeraad ah.

Bin Sucuud,waxaa uu maamulayay Degaanka Al-Diriya oo hadda ku taalla Duleedka Riyaadh,xilligaas oo uu Maxamed Bin Cabdul Wahabna si aan guuleysan aragtida Wahaabiyada ku faafinayay Makkah iyo Bariga dhexe.



1744tii Cabdil Wahab waxaa uu ka cararay Madiina,waxaana uu tagay Al Diriya,waxaa uu magan gelyo ka helay Maxamed Bin Sucuud,halkaas waxaa ay ku dhiseen heshiis dhexmaray labada dhinac oo ahaa in Ibnu Sucuud iyo Qoyskiisu maamulaan Milatariga iyo Siyaasadda,halka Maxamed ibnu Cabdu wahaab loo dhiibay maamulka Diinta,isaga oo ku hubeysan Diin iyo Ciidan ayuu ibnu Sucuud Al-Diriya kaga dhawaaqay dowladdii ugu horreysay ee Sucuudiga yeesho.

Waxaa geeriyooday Cabdil Wahaab,laakiin geeridiisa waxba kama beddelin awood qaybsigii,waxaana xubnaha qoyskiisu qabteen halkii uu baneeyay,halkaas oo ilaa maanta ay hayaan,waxaa ay hadda awood badan ku leeyihiin meelaha go’aamada Diinta (Fatwada)laga soo saaro,waxaa ay heystaan Wasaaradda Diinta iyo Wasaaradda Waxbarashada iyada oo Manhajkoodiina yahay kan ilaa manta uu adeegsado Sucuudiga.

Heshiiskii Wahaabiyada iyo Sucuudiga hadda waxaa uu marayaa 250; Sanadood,walina dhinaca Diinta waxaa heysta Wahaabiyada halka dhinaca kalena ay heystaan Milatariga iyo Siyaasadda,waxaase hadda yimid waqtigii gebagebada heshiiskaas,umana baahna wax badan Qoyska Sucuudiga xilligan.

Sanadihii la soo dhaafay Boqortooyada Sucuudiga waxaa ay xaddidayeen awoodaha dhinaca Diinta ee dadka ku abtirsada Cabdil Wahaab, Bishii August 2010kii, Boqor Cabdallihii geeriyooday ayaa soo saaray wareegto amreysa in Culimada fatwada dhinaca Diinta ay kaliya ka amar qaadanayaan Dowladda Sucuudiga,halkii ay ka hoostagi lahaayeen Golihii sare ee Diinta ee Qoyska Cabdil Wahaab maamulayeen.


Maamulka hadda ee Boqor Salmaan iyo inankiisa ku xiga ee Maxamed waxaa ay April 2016kii,waxaa ay la wareegeen awoodda maamulka Guddiga xumaan reebista iyo wanaag farista,waxaana ay xidh-xidheen Raggii ugu sarreeyay Guddigaas,December 2016kii Boqorka waxaa uu sameeyay Guddi Culimo qunyarsocod a’ oo ah Guddiga ugu sarreeya dhinaca Diinta,2017kii Dowladdu waxaa ay fasaxday Goobaha Musigga,in Ciyaaraha daawan karaan Haweenka,iyo Shaleemooyinka oo 35 Sano kaddib ruqsad ganacsi loo goosan karo.



Sikastaba tallaabooyinka ugu adag ee la filayo waxaa ay ka dhici doonaan hanaanka awood qeybsiga maamulka Dowladda,sababta oo ah dowladda waxaa ay ku shaqeysaa sharciga Islaamka,waana halka golaha shuurada Sucuudiga ay ka soo xigtaan go’aannada ay gaadhayaan.

In meesha laga saaro aragtida Wahaabiyada ee Sucuudiga waa mid si gaar ah uu isha ugu hayo Caalamka,tanina waa midda caddeyneysa in Heshiiskii Wahaabiyada iyo Sucuudiga dhaamanayo, oo reer galbeedka ayaa adabada ka riixaya inay arigtida wahbiyada la gebagebeeyo. Arinkaasina waxaa soo abaabulay oo dabada ka riixaya reer galbeedka, si ay u suuliyaan diinta islaamka.

9- mashruuca mala-awaalka ah, ee uu ugu magac daray hiigsiga 2030-ka.

Mashruuca hiigsiga 2030-ka waa mashruuc daah-rogaya, in hanaanka dhaqaalaha sucuudiga wax ka bedel lagu sameeyo isla markaana la yareeyo ku tiirsanaanta dhaqaalaha sucuudiga ee shidaalka,oo ah isha dhaqaale ee uu sucuudigu ku tiirsanyahay,



Mashruucan ayaa barkan

in xeebaha jasiiradaha badda-cas laga dhiso ama laga hir geliyanayo meelo-xeebo ah, oo lagu tunto, xeebahaasi oo loogu talo galay dadka gaalada ah, ee maal-gashiga ku samaysanaya sucuudiga, iyadoo lagaga dhaqmi doono xeebahaasi shuruucda yurub, iyadoo la sheegay inaanay soo fara-gashan doonin reer aala sheikh iyo culimada kale ee sucuudigu.maadaama oo 2030-ka la doonayo in sucuudigu ka maarmo ku tiirsanaanta shidaalka, oo uu wadanka dhaqaalaha koowaad ka noqdo iib gaynta waxyaabaha sucuudigu sameeyo iyo dalxiiska.



10- Asaasida ururada ku isman arga-gixiso la dagaalanka.

Waxa uu asaasay urur argagixo la dagaaalan ku magacaaban isla markaana ay ku midaysan yihiin 41-dawladood oo muslimiin ahi, mana noqon xal argagixiso suulina ee dhibtiisa ayaa noqotay in dawlad waliba cidii mucaaradka ku ahayd ku tilmaantay argagixiso.waana fikir iska horkeen iyo marin habaabina oo maraykan maleegayo, isla markaana u soo dhiibay yarkan MBS.



11- hanti-lunsi iyohiwaayada raaxaysi ee naftiisa.

Waxaa laga qaaday-sawiro uu ku raaxaysanayo xeebo dunida ah, isgoo falal-fool xumo ah, waday, sidoo akle waxaa la sheegay, inuu doon raaxo ku iibsaday malaayiin dooler, iyo in uu sawir gacmeed laga matalay nebi ciise uu ku iibsaday, lacagtii ugu badnayd ee sawir gacmeed noocaas lagu iibsaday abid.waxaanu ku dambabasaa hantidaa uu lunsado dad yow kale oo uu ku moosaa, Madaxda kale

12- taageerida iyo taakulaynta jabhado.

Sucuudiga ayaa lagu ee dayn jiray, inuu taageero jabhado, hadaba wakhtigan ayaa uu seefta galka kala baxay MBS isagoo si toos u taagaray jabhadao ka dhisan carabta iyo afrika, sida yemen, liibiya.isla markaana uu khilaaf baahsani soo dhex galay

13- kala qaybinta iyo laba u kala jebinta reer Aala Sucuud.

Reerkii reer Aala sucuud ee unuga keliya ahaa oo uu baha-baheeyey, isla ,markaasina uu gaadhay dagaal gacan ka hadali khilaaf koodu, oo xitaa isaga dhaawac weyni kasoo gaadhay, iyagoo reerka badan koodu gaadheen dalalka yurub oo magan gelyosiyaasadeed u joogaan.(political Asylum)


Jarmal, faransiis iyo meelo kale.


14- dilkii wariye Jamaal oo hada daawaha saaran,

Dillkan Wariye jamaal isla markaasina uu dhagar-qabahani dil cad u geystay,waxaana u fuliyeye dil siyaasadeedkan dad uu siagu dirtay, isagoo weriyahani baahiyey qoraalo uu ku bar tilmaameedsanayo siyaasadan gurracn ee gumaysiga ah, isla markaana reer aala sucuud dalka ka wadaan, ugu dambayn naftiisa atyaa uu u waayey Jamaal arinkaa. Waana dhagartii ugu dambaysay ee uu galo.

Qalinkii-Fadxi Garaad Ciise Greenford

Cont aqoonyahanfadxi@gmail.com or 252 63 4001631

Facebook Fadxi Greenford.



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip